crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Lakulan – Milkiilaha deeqsiga ugu fiican dalka Montenegro. | HimiloNetwork

Lakulan – Milkiilaha deeqsiga ugu fiican dalka Montenegro.

Balkan (Himilonews) – Radomir Novakovic Cakan waa guulayste ganacsade ah oo ku nool Montenegro, kaas oo lagu naanayso ‘Milkiilaha ugu fiican Balkan iyo Aboowe’.
Cakan oo leh shirkadda iibisa qalabka isboortiga Cakan Sports ayaa dhawaan u gudbay siyaasadda, wuxuu dhawaantanba sameeyey wararka ugu xiisaha badan dalkiisa. Wuxuu caan ku noqday deeqsinimo uu tusay shaqaalihiisa howlkarka ah iyo xiriirka dhow uu la leeyahay. Ganacsadaha ayaa si qoto dheer u rumaysan in shirkaddiisu noqon karto haldoor marka ay farxad, dhiirranaan iyo kalsooni ku shaqeeyaan shaqaalaha. Wuxuuna taasi ku muujiyaa siinta hadyado qaali ah.
Wuxuu markii ugu horreysay guddoonsiiyay afar shaqaalihiisa kamid ah gawaari qaali ah oo laga bixiyay caymiska. Waxay ahaayeen kuwa ugu da’da iyo howsha badnaa shirkaddiisa. Wuxuuna taas ku muujiyay abaalka ay ku leeyihiin.
Sida aad suuraysan kartaba, dadka helay hadyadda ayaa la garracmay farax. “Markii aan aragnay, hadalkii ayaa nagu dhagay,  Danijela Roćenović ayaa yiri. “Milkiilaha wuxuu noo sheegayay idinka ayaa leh, annaguna waxaan lahayn tani ma ahan suura-gal. Mana dhici karto.
Sanadkii 2014, wuxuu mid kamid ah shaqaalihiisa oo lacag u dhuranayay ka qeyb-galka koobka adduunka ee Brazil ka bixiyay tikitka. Sanado kahorna, wuxuu 14 kamid ah shaqaalaha u qaaday dalxiis ay ku marayaan dalalka Bahamas iyo Seychelles waayo way u qalmeen.
Mar la weydiiyay sababta uusan hadyad raqiis ah u guddoonsiinin shaqaalaha, wuxuu yiri; “Lacagtu way tagtaa; timaadaa, laakiin xusuustu way haraysaa. Waxaan rabaa shaqaaluhu inay farxad, raynrayn iyo kalsooni kula soo laabtaan shaqadooda una howlgalaan sida ugu adag.”
Dadka isaga oo kale ah ayaan ku tallaab ahayn, waana sababta dhawaan uu u qabsaday wararka dalkiisa.
Wuxuu sanadkii hore kamid noqday dowladda, wuxuuna sidii si lamid ah ugu deeqay dowladda lacag dhan 15,300$ si loogu tabaruco dadka hooseeya nolol ahaan.
Mar la su’aalay sababta shaqaalihiisu ugu yeeraan Aboowe, wuxuu yiri; “Waayo walaaluhu had iyo jeer way is caawiyaan.”
In kasta oo falkiisu togan yahay, dadka qaar ayaan u arkin sida quman. Waxayna ku eedeynayaan inuu si fariidnimo leh uga dhuumanayo bixinta canshuurta dalka isaga oo deeqsinimada ku qaraabanaya.
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!