Naafadeenna – Halgamayaal Gargaar u baahan!

Muqdisho (Himilonews) – “Waxaan nahay qeybaha nugul ee bulshada kamid ah oo baahiyaha gaarka ah qaba, waxaana isugu jirnaa naafadii shalay iyo kuwii burburka kadib,”
Faalladaas qiirada leh – oo ah dareen maalinle oo ku daabacan qaluubta dadka qaba baahiyada gaarka ah – waxaa inoo tiraabaya Guddoomiyaha Golaha Naafada Qaranka Soomaaliyeed, Abdullahi Maxamed Axmed Tima-cadde kadib booqasho aan ugu tagnay; xilli sida lamid ah dadka kale ee abaaruhu halakeeyeen u wajahayaan marxalado adag.
Xusuusta taariikhdii hore ee ku saabsan daryeelkii ay heli jireen iyo naawilkeeda waa labada tiir ee ay riyadeeda ku qaataan habeennada adag ee  nolosha dalka ka jirta.
Balse, 27 sano kadib, wali mahelin cid riyadaas u rumeysa. Marka kasta oo uu dib u celiyo sooyaalka naafada qaranka, Siyaad Barre iyo xukuumaddiisii Kacaanka, waa tusaalahooda had iyo jeer.
“Waxaan ahayn muwaadiniin xuquudooda loo dhamaystiro,” ayuu yiri isaga oo dib u gocanaya tagtadii hore.
Hayeeshe, dhicisti dowladda dhexe, naafada ku yimid natiijooyinka dagaalladii ahliga iyo kuwii 77 waxay qeyb kasoo noqdeen golaha. Waxaana kuwaasi kamid ah Maxamed Abdi Muudey iyo Maxamed Hashi Faarax oo labaduba xubno ah Guddiga Golaha Naafada Qaranka Soomaaliyeed.
Iyaga oo ka sheekeynaya waxa ay ka dhigan tahay in naafo lagu noqdo dhul aaneyn dadkiisu muddaba helin daryeel dowladnimo, waxay tilmaami karaan waxa ay cuuryaannimadu biday.
“Anigu waxaan dhaawacmay markii ay dhici rabtay xukuumaddii Kacaanka, waxaan ahaa qof is qaabili kara, hadda laakiin waqtiga ayaa xarig igu xiray,” ayuu yiri Mudey oo dib u celinaya waxa u muuqday tiiraanyo raagtay oo laga dheehan karay wejigiisa.
Mid kamid ah dhibaatooyinka ugu weyn ee ku foolan naafada waa tix-gelin la’aan ka heysta bulshada qeybaheeda kala duwan taas oo sida ay tilmaamayaan qeyb ah musiibooyinka dalka ka jira.
“Mararka qaar waxaanba is dhahnaa sababta dalku mashaqadan uga bixi la’yahay waa tix-gelin la’aanta bulshadu idin ku heyso, haddii si naxariis leh loo dhugan lahaa nugulka nagu jira, waxay ila tahay naxariista Eebena lama waayeen,” ayuu Haashi isaga oo garka salaaxaya ku yiri cod xabeebsan.
Marka loo eego Tima-cadde, waxaa jira dadaallo aan mira-dhalin inta badan oo ay ugu yeeraan ururrada iyo dowladda dhexe inay wax ka qabtaan baahidooda. Waxa ugu muhiimsan ee ay jeclaan lahaayeen in loo qabtana, ma ahan kaliya waxay cunaan ama ay cabaan.
“Waxaan u baahan nahay in naloo sameeyo farsamada gacanta iyo wixii lamid ah si aan isugu filnaano. Qof inaad maalin walba siiso Kalluun, waxaa kaga fiican inaad barto sida loo kalluumaysto.”
In xukuumadda cusub ee ra’iisul wasaare Kheyre ay dhugasho gaar ah ku eegto baahidooda, waa rajada ugu weyn ee ay ka naawilayaan is-baddalka dhacay
“Dowladda Farmaajo aad baa loogu han weyn yahay, waxaana rajaynayaa inay noqoto middii aan kaga bogsan lahayn diifta nagu dhacday.”
In baaqoodu ku dhaco dhego laab u duleela, waxay naafada oo u badan kuwii u dhaawacmay gobannimada iyo magaca Soomaaliyeed ku noqoneysaa mahadho aan tirmin. Hayeeshe inta laga helayo dowlad iyo shacbi si mid ah ugu gurmada, laabtooda waxaa ku sugan inay imaan doonaan kuwa maalin un kaga mahad-naqa abaalkii ay mudnaayeen.
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!