MUQDISHO (HN) – Markii milkiilayaasha makhaayadda La Mafia Se Sienta A La Mesa (oo Af-Soomaali ahaan loola jeedo “Mafiyadu Miiska ayay fadhiisataa”) ay magaca u bixinayeen makhaayaddooda, waxay u badinayeen inay ka faa’iideysan doonaan saameynta naxdinta leh ee tixraaca mid kamid ah ururrada dambiyada ee dunida ugu caansan. Balse waxa aysan tixgelin ayaa ahayd in waddan dhan uu ka daba iman doono arrintan.
Sannadkii 2018, Hay’adda Xuquuqda Hantida Maskaxda ee Midowga Yurub (EU Intellectual Property Office) ayaa go’aamisay in magaca silsiladda makhaayadan Isbaanishka – oo xarumo badan ku leh waddanka – uu yahay mid aan ansax ahayn, sababta oo ah wuxuu bixinayay “sawir guud oo togan” oo ku saabsan maafiyada, kadib markii Talyaanigu dacwad ka gudbiyay arrintaas. Horraantii sannadkan, Xafiiska Patent-ka iyo Calaamadaha Ganacsiga ee Isbaanishka ayaa isaguna go’aansaday inuu taageero Talyaaniga, isaga oo amray in makhaayaddu ay racfaan qaadato ama ay beddesho magaceeda.
Makhaayaddu waxay difaac ahaan ugu doodday in magaca laga soo qaatay buug cunto karis ah oo uusan ka imaan ururka dambiyada caanka ku ah, sidoo kalena erayga “mafia” uu noqday dhacdo dhaqan oo aan mar dambe si gaar ah loogu xirin dambiyada abaabulan. Wayse adag tahay in taas lagu doodo maadaama ay jiraan kumannaan ganacsiyo, kooxo muusig iyo heeso adeegsada erayga “mafia”, hase yeeshee maamulka Isbaanishka ayaa gaashaanka u daruuray dooddaas.
“Magaca muranka dhaliyay wuxuu kahor imanayaa nidaamka guud iyo akhlaaqda bulshada. Magaca ugu weyn si toos ah ayuu usoo celinayaa magaca urur dambiyeed dhab ah oo aan ahayn dhacdo fog ama suugaan keliya, balse ah xaqiiqo weli jirta,” ayay ku qortay Hay’adda Patent-ka iyo Calaamadaha Ganacsiga ee Isbaanishka go’aankeedii. “Sida Talyaanigu tilmaamay, dambiyada ugu caansan ee ururkaas waxaa kamid ah tahriibinta daroogooyinka iyo hubka, dambiyada abaabulan, burcad-badeednimo, lacag dhaqis, musuqmaasuq saraakiil dowladeed iyo dilal.”
Silsiladda makhaayaddu waxay go’aankan ku tilmaantay “mid aan horey Spain looga arag” waxayna u sheegtay warbaahinta inay ka fiirsanayso racfaan. Afhayeen ayaa intaa ku daray in shirkaddu ay isku dayday inay arrintan kala hadasho Talyaaniga, balse aysan waligeed helin fursad dhab ah oo ay sidaas ku sameyso.
La Mafia Se Sienta A La Mesa waxay hadda ka shaqeysaa ku dhawaad 100 goobood, waxayna shaqaaleysiisaa qiyaastii 2,500 oo qof.