HomeWararkaDal Dadkiisa siinaya $29,000 si ay uga tanaasulaan ruqsadda wadista baabuurta!

Dal Dadkiisa siinaya $29,000 si ay uga tanaasulaan ruqsadda wadista baabuurta!

MUQDISHO (HN) – Malta oo ah dalka ugu yar Yurub ayaa la tacaalaya dhibaato joogto ah oo la xiriirta ciriiriga gaadiidka waddooyinka maadaama uu leeyahay mid ka mid ah tirada baabuurta ee ugu sarreysa qaaradda.

Si loo yareeyo dhibaatadaas, maamulka Malta ayaa soo bandhigay barnaamij hal-abuur leh oo lagu magacaabo “Driving License Surrender Scheme”, kaas oo dhiirri-gelinaya dadka inay si iskood ah uga tanaasulaan ruqsadda wadista muddo gaaraysa ilaa 5 sano.

Sida uu sheegay Wasiirka Gaadiidka Malta, Chris Bonett ujeeddada ugu weyn ee barnaamijkan waa in la abuuro waxa uu ugu yeeray “mobility shock,” gaar ahaan dhalinyarada, si aanay caadada wadista baabuurku u noqon mid si buuxda ugu dhegta ama ay u qabatimaan.

Barnaamijkan ayaa dadka u qalma siinaya ilaa €25,000 ($28,650) haddii ay iskood uga tanaasulaan shatiga wadista oo aysan wadin baabuur muddo 5 sano ah. Lacagtaas waxaa lagu bixiyaa qaybo sanadle ah oo dhan €5,000.

Haddii qofka ka faa’iideysanaya barnaamijku uu ka laabto go’aanka kahor inta aan 5-ta sano dhicin, waxaa lagu qasbayaa inuu dib u celiyo lacagta si waafaqsan muddada uga hartay heshiiska.

Si qofku ugu qalmo waa in: da’diisu ka yar tahay 30 sano; uuna degan yahay Malta muddo 7 sannadood ah isla markaana heystaa ruqsad wadid ugu yaraan 12 bilood. Waxaa intaas dheer inuusan horay u lumin ama aan looga hakin shatigiisa.

Dowladda Malta waxay barnaamijkan u qoondaysay miisaaniyad sannadle ah oo dhan €5 milyan iyada oo ku xaddidaysa dadka ka faa’iideysan kara ilaa 1,000 qof sannadkii. Wararka hordhaca ah waxay muujinayaan xiiso aad u sarreeya oo ah in dhalinyarada qaar ay lacagta ka doorbidayaan wadista baabuurka.

Waxyaabaha xiisaha leh ayaa ah in marka ruqsadda la wareejiyo loo tixgelinayo mid si rasmi ah loo hakiyay. Haddii qofku doonayo inuu dib u wado 5 sano kadib, waa inuu qaataa 15 saacadood oo casharro wadid ah si uu u helo shati cusub.

Ujeeddada ugu dambeysa ee barnaamijkan waa in la yareeyo tirada darawallada lana dhiirri-geliyo isticmaalka gaadiidka dadweynaha si loo yareeyo ciriiriga waddooyinka loona dhimo wasakheynta deegaanka.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments