crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> April | 2023 | HimiloNetwork

Monthly Archives: April 2023

Taskiile Muslim ah oo caawimo u fidiyay hooyo u baahneyd.

MUQDISHO (HN) — Maalintii ugu dambeysay bisha Soonqaad, Umar Raza oo taskiile ah wuxuu kusii jeeday afurka markii farriin caawimo lagu weydiisanayo ay uga timid hooyo rabtay in inankeeda loo gaarsiiyo dhambaal degdeg ah. “Duni aad wax walba kala kulmi karto, ku falceli naxariis,” ayay tiri. Maadama uu dareensanaa inaysan hooyadani iskiis isku caawin karin wuxuu go’aansaday inuu gacan u ...

Read More »

Sheekada 11 jirka – si uu go’aankiisa ugu adkeysto – safar baaskiil ah kusoo bixiyay 130 km.

MUQDISHO (HN) — Saxaafadda Shiinaha ayaa tebinaysa sheekada wiil 11 jir ah oo safar 130 km baaskiil uga soo baxay magaaladii uu joogay muddo 24 saacadood ah si uu ugu yimaado ayeeyadiis oo degan degaan kale. Wiilkan oo ku nool Hangzhou, gobalka Zhejiang wuxuu kusoo dhacay baaskiilkiisa si uu u yimaado guriga abootadiisa kaddib markii ay hooyadiis aad u canaanatay. ...

Read More »

Xiddiga Ghana oo Danyar Muslimiin ah gaarsiinaya kaalmo!

MUQDISHO (HN) — Xiddiga xulka Ghana iyo kooxda Nottingham Forest, Andre Ayew ayaa danyar gaaraysa 200 wuxuu u qeybiyay badar ay uga baxaan bisha Soonqaad. Xiddiga xulka lagu naaneyso Black Stars waxaa deeqdan uu soo dhiibay loogu qeybiyay Jubilee Park, sida ay kusoo warrantay Ghana Web. Imaam Afa Hudu, oo madasha ku sugnaa ayaa ka hadlay muhiimadda wax bixinta inta lagu jiro ...

Read More »

Haweeney 500 oo maalmood ku dhex nooleyd GOD 70 mitir Dhulka hoostiisa ah!

MUQDISHO (HN) — Haweeney Spain u dhalatay ayaa muddo 500 oo maalmood oo xiriir ah keligeed ku dhex nooleyd god gaar ah: bilowgii 2021 ayay u baxday safar dhulka hoostiisa ah. Waqtigaas dunida waxaa ka jiray Covid-19, Ruushkuna weli kuma uusan duulin Ukrayn. Falmini waxay ahayd 48 jir markii ay godka u dhaadhacday, hadda waxay kasoo baxday iyada oo 50 jir ...

Read More »

Koox Muslimiin ah oo arday dhigata Jaamacad ka caawinaya Afurka.

MUQDISHO (HN) — Maalmahan waa iska caadi inaad aragto arday kamid ah Jaamacadda Memorial University oo cuntooyin fudud u sita si ay ugu hiraabtaan ‘suxuurtaan’. Maalmo yar un kahor imtixaankooda, badi ardaydan oo ah Muslimiin waxay ku soomayeen kaliya cunnada hal waqti oo afurka ah. Hadda laakiin waxaa cuntadii ay ku hiraaban lahaayeen usoo diray Ururka Muslim Students’ Association si ...

Read More »

Minneapolis oo codbaahiyaha u adeegsan karta aadaanka shanta salaadood maalin walba.

MUQDISHO (HN) — Golaha deegaanka ee magaalada Minneapolis ayaa si wadajir ah ugu codeeyey in codbaahiyaha hadda kaddib loo adeegsado aadaanka salaadaha, waana tallaabadii ugu horreysay oo magaalo Maraykan ah ay ku dhaqaaqdo. “Dastuurka ma seexdo habeenkii,” ayuu yiri Jaylani Hussein oo kamid ah Guddiga Xiriirka Muslimiinta Maraykanka. Wuxuu sheegay in tallaabtan ay dunida tusayso in qaran lagu unkay xurriyad uu ...

Read More »

Warqad furan oo ku socta Duqa Caasimadda: Guddoomiye Madaale.

MUQDISHO (HN) — Guddoomiyaha Gobalka Banaadir – ahna Duqa Muqdisho – iyo Shacabka Soomaaliyeed waxaan rabaa inaan ogeysiiyo in muddo toddobo bilood ah oo aan habeen iyo dharaar – gabaldhac iyo waaberi – aan iskaga daba noqonayay xafiisyada heer degmo, mid gobol iyo mid qaran aniga oo dalbanaya caddaalad, inaan weli helin cadaaladdii aan u baahnaa. Farriintanna waxaan gaar ugu ...

Read More »

Waalid hadyad ahaan gabadhooda u siinaya Gaari nuuca Mercedes SUV.

MUQDISHO (HN) — Baraha Malaysia waxaa qabsaday lammaanayaal maalqabeenno ah oo inantooda u iibiyay gaari nuuca Mercedes SUV si ugu dhiirri-geliyaan inay iskuulka aado. Bilowgii bishan, haweeney maalqabeen ah oo la yiraahdo Farhana Zahra waxay soo dhigtay muuqaal ay inanteeda shan jirta ah ku weydiinayso hadyad ahaan inay usoo iibiso maalinta dhalashadeeda, waxayna inanta yar ku warcelinaysaa inay doonayso middood ...

Read More »

21 Saacadood ayuu ‘Jilbaha dhulka u dhigtay’ si ay Jaceylkiisa ugu soo noqoto!

MUQDISHO (HN) — Nin u dhashay Shiinaha oo ku nool gobalka Sichuan ayaa lagu soo warramayaa inuu jilbaha dhulka dhigtay muddo 21 saacadood oo xiriir ah si uu jaceylkiisa hore uga dhaadhiciyo inay dib u midoobaan. Dhibanahan jaceyl ayaa qabsaday hadalheynta baraha Shiinaha kadib markii jilba-jabsigii uu bilaabay saacaddu markay ahayd 1 pm March 28 uu ka kacay 10 am maalintii ...

Read More »

La kulan – Ninka gaariga ‘kula safra’ Kolonyo Shinni ah.

MUQDISHO (HN) — Shinnida waxaa loo arkaa nasiib ma la arag ah gudaha Shiinaha waana sababta ninkan aad u jeedaan uu u doortay inay la qeybsadaan gaarigiisa markii ay ka dhex sameysatay goob ay ku hoyato. Muuqaalka ninkan oo aad ugu baahay baraha bulshada Shiinaha ayaa la arkayaa isaga oo kaxaynaya gaarigiisa oo madaxiisa korkiisa ay ku urursan yihiin kolonyo ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!