crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Jeed-jeedsiga Jeenyo iyo Jilicsanaanta Xiriirka. | HimiloNetwork

Jeed-jeedsiga Jeenyo iyo Jilicsanaanta Xiriirka.

Muqdisho (Himilonetwork) – Todobo bil gudahood ayay kooxda LLPP Jeeyo labo mar ku dhawaaqday in ay iskaga baxday labada tartan ee ugu xiisaha badan kubadda cagta Soomaaliya. Bishii Maarso ee sanadkan ayay aheyd markii ay ku dhawaaqday in ay ka baxday tartanka horyaalka heerka koobaad oo markaas marayey halkii ugu xiisaha badnaa.
In kasta oo kooxdu markaa aysan seegin kulan horyaalka ah oo ay soo xaadirtay kulankii ay ku balansanayd in ay ciyaarto, haddana mar labaad ayey ku dhawaaqday in gebi ahaanba ka baxday koobka koobabka ee Janaraal Daa’uud 18 September 2017.
19 bisha September oo galabta aheyd ayaa lagu waday in kooxdu kulan ka tirsan Janaraal Daa’uud, ay la ciyaarto Naadiga ay la xafiiltanto ee Banaadir SC, kulan ka dhici lahaa garoonka Jaamacadaha ee degmada Hodan, nasiib-daro kulankaas ayaa u baaqday sababta ah in aysan soo xaadirin garoonka.
Jeenyo ayaa ku guruub aheyd kooxaha Banaadir SC, Heegan Iyo Dakedda, tartanka iminka soconaya ee Janaraal Daa’uud, waxaana guruubkaas loo arkayey in uu ahaa guruubkii dhimashada, hayeeshe ka bixidda LLPP Jeenyo ayaa waji kale u yeeli karta guruubkan iyo dhammaan tartankan.
Dadka u dhuun duleela cayaaraha dalka ayaa ku micneeyey ka bixiddii Horyaalka ee Jeenyo bishii Maarso dhowr arrimood oo loo aaneyn karo mid ka danbeysa inay ka baxdo Horyaalka,
Dhaqaalo xumo ayaa ugu weyneyd araa’da ay qabeen culimada kubadda cagta, in kasta oo kooxo badan oo ka ciyaara horyaalka heerka koobaad ay ka dhaqaalo yar yihiin Jeenyo, haddana ciyaartoyda markaas ku sugneyd ayaa ahaa kuwoo heer sare ah isla marakaan u baahan xuquuqaad rasmi ah,  si lamid ah dadka qaar ayaa aaminsan in ka bixiddii horyaalka ee bishii Marso ay sabab u aheyd fudeyd ay sameeyeen xubnaha sare ee kooxda.
Doodda kooxda ayaa aheyd in aysan helin garsoor daacad ah, sidaasna ay kaga baxday tartanka, hayeeshe su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah, maxaa sababay in kooxdu ay dib ugu soo laabato horyaalka iyada oo aan la helin cadeymo ka jawaabaya cabashadii hore?
Isla waqtigaas tababbaraihii kooxda, Macalin Salaad ayaa iska casilay shaqadii macalinnimo oo uu ka hayay  kooxda, wuxuu tallaabtiisa ku sheegay mid isaga gaar u ah.
Xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya ayaan wax ganaax ah dul-dhigin Jeenyo isla markaana aan tallaabo muuqata ka qaadin sheegashada ah in ay weysay garsoor daacad ah sidaasna ay kaga baxday Horyaalka heerka koobaad ee dalka sanadkii dhamaaday.
Xittaa haddii aan la sameyn la xisaabtan dhab ah oo ku saabsan arrintan, Xiriirka Kubadda cagta, miyuusan u baahneyn in uu ka fikiro soo laabashada arrintan oo kale?
Lama aysan kulmin ganaax, si lamid ah Xiriirku sooma uusan saarin sharci adag oo qaban doona kooxdii ku dhaqaaqda arrintan iyo mid la ceyn ah, kooxaha kale ee ka ciyaara tartamada dalka iyaga oo xusuusanaya in ay ku doodi karaan in Jeenyo ay ka baxday tartanka isla markaana aan la ganaaxin, sharciyo adagna aysan jirn soo lagama yaabo in xaalku uu noqdo Ratiga danbe Ratiga hore saan-qaadkiisa ayuu leeyahay, ama Awrba Awrka ka horreeya ayuu horraan-qaadkiisa leeyahay?!.
Yalkadeede, taakadii iyo taagsigii Awrkii hore ayaa mar kale soo laabatay waxayna markaan ka daran tahay markii hore maadaama tartanka iminka socda aan lagu arki doonin.
Laacibiinta kala ah; Daadir Cama, Anwar Shakuunda, Baazi, Xasaasi, Daandii, Faysal, Mayman, iyo goolhaye Mustaf ayaa dhammaantood ka tagey sanadkan, dhabar-jabkaas weyn ee soo gaaray waxaa u dheeraa in Xiriirka Kubadda Cagta sharci uu soo saaray uu saameyn ku yeeshay dhammaan kooxaha ka ciyaaraya Janaraal Daa’uud-ka hadda socda, sharcigaas oo ahaa in laacibiinta suuqii dhawaan xirmay kusoo biiray kooxahooda cusub aysan u ciyaari karin tartankan.
Sidaas daraadeed, Jeenyo ayaa ku andacootay in aysan heysan ciyaartoy ay kaga qeyb qasho tartankan, isla markaana ciyaartoydii ay lasoo wareegtay dhawaan uu Xiriirku diiday in ay u ciyaaraan Koobkan maadaama sharcigii dhawaan-galay ay kala siman tahay kooxaha kale.
Kooxdu waa mid kamid ah kooxaha ugu taageeraha badan dalka haddii aysan aheyn kooxda koobaad xaqiiq waa kooxda labaad, niyad-jabka ay la kulmi karaan taageerayaasha kooxda intee ayuu la ekaan karaa? si lamid ah arrintan soo ma’ahan mid sumacad dhac ku ah kooxda marka loo eego diiwaanka?!
Wali lama oga go’aanka kama danbeysta ah oo uu arrintan ka qaadan doono xiriirka, waxaan filanaaba waa go’aankooda.
Qore: Abdiaziz Adan Urur.
Xigasho – radiohimilo.so
Kala xiriir: cabdicaziiz149@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!