Lammaane 7 gabdhood isku dhalay oo wiil ay iibsan rabeen loo xiray.

Beijing (Himilonetwork) – Lammaane aad ugu han-weynaa helidda wiil ay korsadaan ayaa go’aansaday inay ka iibsadaan kuray suuqa madow kadib markii ay dhaleen gabdho badan.
Lammaanahan u dhashay dalka Shiinaha ayaa adduun dhan 2,000 yuan oo u dhiganta $14,000 ku doonayay inay ku iibsadaan wiil. Si kastaba, marna kuma guuleysan inay guriga la yimaadaan. Booliska ayaa xiray kadib markii lagu war-geliyay.
Laanta booliska u qaabilsan daba-galka ayaa loo sheegay in wiil uu lumay. Waaxda gobalka ayaana awooday inay daba raacaan qowleysatada ka gacansata iibka carruurta, waxayna ugu danbeyn soo heleen lammaanaha.
Cunuga oo dhowr jeer beeca dahsoon lagu kala iibsaday kahor inta uusan kusoo dhammaanin lamaanahan, waxaa dib loogu celiyay waalidkii dhalay.
8 qofood ayaa loo xiray ku lug lahaanshaha arrinkan.
Mr. Chen ayaa maxkamadda Fengshun County kahor sheegay in isaga iyo afadiisa ay u safreen si ay cunug uga soo iibsadaan ninka lagu magacaabo Wang.
Wuxuu sheegay in la hor dhigay adduun dhan oo ku xeernaa hanashada dhallaan cusub oo wiil ah kaas oo uu toos kagala macaamili karo waalidkii dhalay.
Wuxuu sharraxay in isaga iyo afadiisa ay isku dhaleen 7 gabdhood – oo ay doonayeen inay helaan wiil magaca reerka xanbaara – taasina ay ku keentay inay suuqa madow ka doontaan wiil dhammaystiri qoyskooda.
Xigasho – radiohimilo.so
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!