Induniisiya – Haween 100 karbaash lagu dhiftay markii ay Shareecada ku xad-gudubtay.

Jakarta (Himilonetwork) – Haweeney ayaa dadweynaha hortooda lagu karbaashay 100 jeer markii ay aad ugu dhawaatay nin aan qabin oo anjabi ka ah.
Haweeneydan lagu magacaabo Mazidah oo ku nool Lhokseumawe waa 30-jir. Waxaana lagu eedeeyey inay ku xad-gudubtay Shareecada Islaamka oo diidaysa in qof anjabi ah aad loogu dhawaado – sifo aan bannaanayn.
Maalintii Jimcaha ayaa meel fagaare loogu oogay xadka danbigii lagu soo helay. Dadweyne isugu jira rag, dumar iyo carruur ayaa isugu soo baxay.
Mazidah waa xaas u dhaxda seygeeda. Waxaana la karbaashay 100 jeer. Warar qaar ayaa sheegaya in xanuunka ay ka qaaday garaacista uu keensaday in loola cararo isbitaalka.
Ninka ay la taagnayd oo isuguna 34-jir ah, waxaa la karbaashay boqol jeer.
Xigasho – radiohimilo.so
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!