crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Muslimiinta Rohingya – Gaajada iyo Hoy la’aanta waxaa usii dheer Kufsi ba’an. | HimiloNetwork

Muslimiinta Rohingya – Gaajada iyo Hoy la’aanta waxaa usii dheer Kufsi ba’an.

Muqdisho (Himilonetwork) – Daraasin haween Muslimiin Rohingya ah waxaa kufsaday ciidamada militariga Burma xilli tira-yartani wajahaan wax ay QM ku tilmaantay Buugga Isir-sifeynta oo kaga imaanaya dalka Buudiska u badan ee Myanmar.
Niranta Kumar, oo katirsan IOM ayaa sheegtay inay kiisaska kufsiga ay hadba isasoo tarayaan, dhibaataduna aysan u muuqan mid dhammaad yeelanaysa. Waxaana jira haween dhowr jeer la kufsaday kuwana ay xanuun ba’an  ka qaadeen tacadiga lagu hayo.
Warbxiin kasoo baxday Bangladesh ayaa tilmaantay in kufsigu noqday halista ugu weyn ee gaajada iyo hoy la’aanta usoo saddexeysa qaxootiga haweenka Rohingya.
Ku dhawaad 430,000 ayaa kasoo qaxay dalka Burma taniyo markii argagaxisada xagjirka ah ee Burma ay bilaabeen gumaadka Muslimiinta.
Dowladda Burma ayaa iska diiday jiritaanka eedeymaha la xiriira kufsiga – waxayna sheegtay inay baaritaanno ku sameyn doonto.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!