crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Kaalinta Bukaan-la-roorayaashu ay kaga jiraan gargaarka deg-degga ah. | HimiloNetwork

Kaalinta Bukaan-la-roorayaashu ay kaga jiraan gargaarka deg-degga ah.

Muqdisho (Himilonetwork) – Dad badan waxay aalaaba anbalaasta ku qeexaan gaadiid afar lugood leh oo loo adeegsado in lagu daabulo dhaawaca iyo kuwa xanuunsan. Xaqiiqdii, ereyga ambalaas waxaa loo qeexi karaa mid guda ballaaran. Kuma koobna oo kaliya gaari dhigaha kore ku sita codbaahiye iyo ganbaleel – dhexdana uga cabaysan qalabkii lagula tacaali lahaa dhibanaha u baahan gargaarka degdegga ah.
Sanadihii dhawaa, si kastaba, waxaa timid jaadad kala duwan oo ambalaas ah sida dooman, baaskiillo, gaadiid waaweyn iyo kuwa kale oo badan.
Hayeeshe, halkan gudaha Soomaaliya, waxaa laga yaqaan hal nuuc oo bukaan-la-roore ah. Mana ahan mid kale ee waa midda aad kula kulanto jidadka iyo waddooyinka magaalada.
Shaqadooda iyo kororkooda tiro ahaanna, way isasoo tarayaan. Waxaana kuwa dhawaan gargaarka gurmadka degdegga ah kusoo biiray kamid ah bukaan-la-roorayaasha Isbitaalka Somali Sudenese, sida uu sharraxayo Cali Ifiye oo kamid mas’uuliyiinta isbitaalka.
“Lama huraan ayuu u noqday gargaarka iyo baxnaanada caafimaad ee bukaanka – in laga soo qaado gurigiisa laguna soo gaarsiiyo rugta caafimaad si sahal ah,” ayuu yiri Ifiye oo tilmaamay in muddo ku dhow 8 bilood ay shaqadan ku guda-jiraan.
Sida uu hadalka u dhigayo, kama turjumayso waqti hore. Waxaa jiray xilli aan la helin kaalinta anbalaasyada oo magaalada soo maray. Balse markii la aas’aasayay, waqtigu wuxuu ahaa mid adag. Howshooduna ma sahlaneyn, marka loo eego Abdiqaadir Abdiraxman Haji, oo ah madaxa Amiin Anbalaas.
“Magaaladan oo waxaan soo marnay gaari-gacan lagu qaado dhaawaca iyo dhibanaha,” ayuu dib u xusuustay. “Markii aan aas’aasnay Amiin sanadkii 2008-da, si weyn ayaan qeyb uga qaadannay gargaarka iyo gurmadka degdegga ah.”
In kasta oo labaduba kala yihiin adeeg guud iyo mid gaar loo leeyahay, haddana waxaa jira hal arrin oo ay wada-jir ugu wada istaagaan. Shaqeynta inta badan 24-ka saac, qof kasta oo dhiban waxay u yihiin bartilmaameed taagan.
“Kuma xirno qofku inuu innaga nagu socdo, waxaan halhaleel ugu qaadnaa goobta uu doonayo in si fudud lagu gaarsiiyo – marka laga reebo kuwa isbitaalkeenna loo soo wado oo ogaal aan ugu tagno,” ayuu yiri Ali oo intaas kusii daray in bani’aadnimadu tahay xoogga gadaale ee dhaqaajinaya howlgalkooda.
La-qabsiga bukaan la roorayaashu wuxuu ahaa mid helay soo dhaweyn muuqata. Sida xiriirku ahaa ka sokow, waxaa jiray caqabado hadda aan in badan jirin oo waagaas ay la rafan jireen qaabilisteeda. Waxaana sidoo kale usii dheeraa mid maaliyadeed.
“Dhib iyo caqabado badan ayaa jira – siiba waqtiyadii aan bilowga ahayn oo nagula dhayalsan jiray wax-qabadkeenna – balse hadda wax walba way sii dhamaadeen. Waxaad moodaysaa in dadku ay nala qabsadeen,” ayuu yiri isaga oo xusuusanaya sida dhib yaraan meel aan halis ka jirin loogu yeeri jiray inay ku yimaadaan degdeg kahor inta aysan u imaanin waxba. “Kuwa dhaqaale iyo maaliyadeedna way iska jiraan.”
Dunida kale, muddada celcelis ee anbalaasta ku qaadata inay kaga fal-celiso yeermada ama wicitaanka nambarka gaaban, waxaa looga baahan yahay inay wax ka yar 8 daqiiqo iyo 59 ilbiriqsi ku gaaraan goobta. Hayeeshe halkan – iyada oo loo eegayo arrimo dhowr ah – masuuragasho. Waxaase ay wali ka mahdin karaan kaalmada ay ka helaan dadweynaha waddooyinka la isticmaala kuwaas oo aan ka xayirin howlahooda.
“Dadweynuhu markay maqlaan dhawaqeenna waxay noo baneeyaan jidadka, waxay noo fududeeyaan inaan si dhib yar ku xaajo-gudanno – xittaa haddii waddooyinku ay ciriiri yihiin,” ayuu yiri Ifiye oo sharraxay in bulshadu niyad-wanaag u hayaan doorkooda.
Helidda kaalmada shacabka, waxay gargaarrada degdegga  ka dhigaysaa mid aan kaliya sii socon karin balse laga haqa-beeli karo. In dadku mas’uuliyad qofeed iska wada saaraan joogteynta howlahan, waxay ifafaalo fiican u noqoneysaa sida loo sii daa’imi karo. Waana farriinta uu Abqaadir hawada u marinayo shacabka Soomaaliyeed.
“Aniga waxaan ahay qof kaliya kaas oo maalintiisa sugaya, waxaan u baahannahay inaan bulshadu ugu yeerno kaalintooda. Waa muhiim inay nagu garab-galaan samafalkan si aan u hubsanno inuu sii dheeraado.”
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!