Haweeney maqaayad ku dacwanaysa sababta dhimasho ee Eygeeda.

Muqdisho (Himilonetwork) – Haweeney ayaa dacwad ka gudbinaysa maqaayad kadib markii eygeeda uu u dhintay shaah kulul oo uu ku gubtay.
58-jirta lagu magacaabo Deanna Salas-Solano oo ku nool Colorado ayaa dacwad u gudbisay maxkamadda Denver District Federal Court.
Waxay raadinaysaa adduun dhan mag-dhow ah oo gaaraya 100,000$ – iyada oo ku sheeganeysa in eygeeda uu u dhintay dayacaad iyo mas’uuliyad darri xaga mqaayadda kaga timid.
Salas-Solano  waxay sheegtay inay maqaayadda u aaday si ay shaah uga soo cabto. Balse sida aan foojignayn ee la iskaga xil-saaray ilaalinta halista dahsoon, ayay tiri, waxaa iiga gubtay eygeyga oo lagu magacaabo Alexander.
Natiijada ayaa noqotay in eygu uu gubtay gubashada degree-ga labaad – in yar kadib uu u geeriyooday.
Salas-Solano waxaa iyadna loo qaaday xarunta caafimaadka  Swedish Medical Center Burn halkaas oo lagu dabiibay.
Howl-wadeennada maqaayadda ayaa sheegay inay hayaan muuqaalka kaamiradu ka duubtay dhacdada. Balse ilaa hadda uma soo deynin shacabka.
Hayeeshe muuqaalka fiidiyowga Salas-Solano ayaa muujinaya eygeeda oo ku soo dulboodaya dhabteeda xilli ay isku dayayso inay laacdo shaaha u saaran miiska.
Xigasho – radiohimilo.so
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!