crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Askari toogtay gabar uu jeclaa oo diiday inuu guursado. | HimiloNetwork

Askari toogtay gabar uu jeclaa oo diiday inuu guursado.

Nairobi (Himilonetwork) – Sarkaal boolis kaas oo ay u cuntami weyday in gabar uu jeclaa ay diiday ayaa go’aansaday inuu dilo.
Simon Njoroge Njau oo dalka Kenya ku nool wuxuu la kulmay Anne Wanjohi, oo 23-jir ah.
Labaduba waxay bilaabeen inay xiriir fiican sameeyaan – durbana wuu jeclaaday. Si kastaba, gabadhu si lamid ah jaceylkiisa uma dareemin.
Marka loo eego goob-joogayaal, sarkaalkan ayaa u baxay inuu saaxiibtiis kula kulmo Nairobi city center oo ay ka shaqeyso.
Haweeneyda ayaa aad u ahayd mashquul, waxay Njau u sheegtay inuu sugo. Wuuna baxay kadibna soo laabtay wax yar dabadeed.
Iyada oo saaxiibtiis isku qaban-qaabinayso inay rawaxdo, Njau wuxuu u gudbisay qorshihiisa jaceyl, wayse ku gacan-seyrtay.
Marka loo fiiriyo saaxiibada ay la shaqeyso, Wanjohi  ma doonayn inay guursato Njau. Waxayse rabtay inay kala haraan.
Njau uma qaadan diidmada gabadha uu jeclaaday si dhab ah. Wuxuu toogtay gabadha isaga oo u goodiyay saaxiibadeeda haddii ay soo fara-geliyaan.
Wuxuu isaguna isku dayay inay is dilo. Wuxuuna iska toogtay xabadka. Nasiib-wanaag hadda wuxuu ku sugan yahay xaalad hooseysa, waxaana lagu raja weyn yahay inuu badbaado.
Waxaa la filayaa in lagu qaado danbiga ah dilka Wanjohi.
Xigasho – radiohimilo.so
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!