Faa’iidooyinka laga helo cunista Sabiibka.
Posted by: Zakariya
in Kobciye
September 30, 2017
5,251 Views
Muqdisho (Himilonetwork) – Sabiibka oo afka qalaad lagu yiraahdo raisins, wuxuu ku jiraa qudaarta faakihaysiga loo cuno. Balse in badan kamid ah faa’iidada caafimaad ee ku jirta lama socdaan. Waxaana jira faa’iidooyin aan lasoo koobi karin oo kugu sii qasbaya inaad sii isticmaasho ama hadda kadib aad bilowdo cunistiisa.
-
Wuxuu daweeyaa calool-fuurka.
-
Wuxuu sare u qaadaa miisaanka qofka – culeyska. Waxaana ku jira maadooyinka protein ah.
-
Wuxuu kahor-tagaa cudurka Kansarka.
-
Wuxuu hoos u dhigaa cadaadiska dhiigga.
-
Wuxuu maareeyaa Kaadi-macaanka.
-
Wuxuu dawo u yahay cudurka dhiig-yarida ‘anemia’. Waxaana ku jira maadada iron-ka oo u fiican sare u qaadista dhiigga.
-
Wuxuu dawo u yahay qandhada ama xumadda.
-
Wuxuu daryeelaa caafimaadka indhaha.
-
Wuxuu u roon yahay ilkaha.
-
Wuxuu xoojiyaa lafaha waxaana ku jira calcium muhiimad u ah lafaha.
-
Wuxuu u firfircoonaysiiyaa galmada – maadada Arginine oo xoojisa shahwada taas oo sababi karta joogteynta howsha galmada ayaa ka buuxda. Waana dhaqan guud oo Hindiya laga yaqaan habeenka arooska oo caruuska iyo caruusadda ay cabayaan galaas caano ah oo lagu kariyay sabiib. Waxaana sidoo kale lagula taliyaa dadka la dhiban galmada inay badsadaan.
-
Wuxuu kahor-tagaa aashitada – sabiibka waxaa ku cabaysan potassium iyo magnesium kuwaas oo liddi ku ah aasidka.
Related
2017-09-30
You must log in to post a comment.