crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Nin isaga oo hurda looga kiciyay dil uu qof u geystay! | HimiloNetwork

Nin isaga oo hurda looga kiciyay dil uu qof u geystay!

Beijing (Himilonetwork) – Nin ku nool Shiinaha ayaa la yaabay sida aroor hore ay gurigiisa ugu soo kalaheen booliska.
Wuxuu la yaabay ayaa noqotay in loo sheegay in lagu sameynayo baaritaan la xiriira dhimashada nin meydkiisu yiillay waddada dhinaceeda.
Booliska ayaa 41-jirkan u sheegay inuu ku lug leeyahay fal ku dhufo-oo-ka-dhaqaaq ah oo ka dhacay waddada.
Haung ayaa qirtay inuu xilli habeen danbe ah uu gaarigiisa usoo kaxeeyey Wencheng Zhejiang, gaarigiisa uu ku dhiftay meel baakin ah.
Haung wuxuu sheegay in gaariga uu ku dhuftay uu moodayay in qofna aysan ku jirin – qofna uusan hareeraha iyo gudaha ku arkin.
Booliska ayaa xaqiijiyay in gaarigu uu ahaa mid aan lagu dhex jirin balse wadaha gaariga, Du 00 53 jir ah oo taayar ka bedelay baabuurkiisa.
Haung ma uusan ogeyn in mugdiga xilligaa uu qof halis galiyay naftiisa kahor inta uusan ruux bixin wax yar kadib. Qof meesha marayay ayaa booliska ugu yeeray inay halhaleel ku yimaadaan. Huang hadda waa la xiray, waxaana la weydiinaya su’aalo.
Xigasho – radiohimilo.so
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!