MUQDISHO (HN) — 9 jir lagu magacaabo Safa Hussain ayaa ammaan iyo qaddarin ku mudatay fal badbaadineed oo ay u sameysay ayeeyadeed oo marqura uu kusoo booday xanuunka qalalka. Waxay dhigataa iskuulka Low Ash. Sida ilmaha kale, Safa uma argagaxin markii ay aragtay ayeeyadeed oo xaalad adag ku sugan. Taas beddelkeeda waxay sameysay wixii ay ka baratay gargaarka degdegga ah – iyada oo weliba raacaysa habraacyada loo maro.
Duqa magaalada ayaa guddoonsiiyay shahaado abaalmarin ah oo la xiriirta badbaadadinta iyo u gargaaridda qof dhibaataysan.
Safa waxay la joogtay ayeeyadeed xilli ay hooyadeed ku maqneyd magaalada. Waxaana marqura ayeeyo kusoo booday xanuunka qalalka. Daqiiqadaha dahabiga ah oo qofka dhibku soo gaaray lagula gaari karo gargaarka degdegga ah ayay si fiican uga faa’iideysatay. Waxayna markii ay u fidisay gargaarkaas wacday ambalaaska.
Dhacdadan ayaa laga bartay muhiimadda ay leedahay in ilmaha la baro gargaarka degdegga ah si ay gargaar ugu fidiyaan qofka dhibku soo gaaray!
You must log in to post a comment.