MUQDISHO (HN) — Fanaanadda reer Kashmiir, Reshi Sakeena ayaa soo afmeertay maalmaheeda fanka – iyada oo sheegtay inay hadda kaddib u jeesatay ku dhaqmidda diinteeda Islaamka iyo ka reebtoonida wixii ay xaraantimeysay!
Gabadhan 25 jirta ah ayaa dood kulul ka dhex abuurtay dadkii taageersanaan jiray – iyada oo baraha bulshada la isku dhaafsaday sawirradeedii hore iyo kuwa hadda laga qaaday iyada oo xijaaban!
Waxaa lagu yiqiin inay leedahay masrixiyad faneed waxayna codkeeda ku kasbatay taageerayaal badan oo dunida ku kala baahsan. Balse hadda waxay u jeesatay inay jirkeeda daboosho xijaabkana ku dedo madaxeeda!
Go’aankeeda ayaa daba socda kulan ay la yeelatay culimada Kashmiir kuwooda ugu caansan. Muuqaal laga soo duubay ayaana la arkayaa iyada oo ka qoomamaynaysa wixii hore uga qaldamay – Eebana weydiisanaysa inuu u dambi-dhaafo!
Sakeena inay fanka isaga baxdo aad baa loogu kala qeybsamay. Taageerayaasheeda qaar ayaa ka niyad-jabay inay fanka ku cidleysay halka kuwo kale ay usoo direen farriimo bogaadin iyo duco isugu jira!
“Dad badan ayay tusaale nolol u ahayd, waana ku faraxsanahay inay dhanka wanaagsan hadda kaddib inoogu yeerto.”
You must log in to post a comment.