crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Laacibka Al-Ahli oo qaatay diinta Islaamka! | HimiloNetwork

Laacibka Al-Ahli oo qaatay diinta Islaamka!

MUQDISHO (HN) – Jimcihii ina dhaaftay, Masjidka Ahmed Zarrouq wuxuu marti-geliyay walaal cusub oo kusoo biiray bulshada Muslimiinta oo kasoo jeeda dalka Ivory Coast. Waana cayaaryahanka lagu magacaabo Jacob oo u dheela kooxda Al-Ahli Al-Musrati. Waxaana masjidka joogay boqollaal qofood oo farxad iyo amaanba la dhinac joogay Jacob oo markii shahaadada loo qabtay kaddib qaatay magaca dunida ugu qaalisan ee Muxamad.

Warka islaamidda Jacob – Muxamed – waxaa bartooda Facebook kusoo daabacay kooxda uu u dheelo ee Al-Ahli. Jameecadii masaajidka joogtay ayaa saf u galay si ay laabta u wada geliyaan walaalkood Muxamed.

“Go’aankan waxaa ku gaaray talo iyo soo jeedin ayaan naftayda kula ballamay inaysan xaqa iska indha-tirin,” ayuu yiri. “Waana i kan maanta waxaan kamid ahay Muslimiinta.”

“Safarkayga barashada Islaamku wuxuu soo bilowday sannad kahor waxaana aalaaba aqrin jiray buugaagta Islaamiga una fiirsan jiray dhaqamada Muslimiinta,” ayuu yiri.

Wuxuu aad u amaanay saaxiibkiis, Baba Ousmane, oo kasoo jeeda Senegal – ahna laacib Rabbigiisa u go’ay – isaga oo kaga mahadceliyay sidii uu u tusiyay wadada badbaadada adduun iyo aakhiro!

“Wuxuu kaalin weyn ku lahaa Islaamideyda,” ayuu yiri. Wuxuuna kooxdiisa uga mahadceliyay inay u diayariyeen cayaartoyda deegaan qofka aan Muslimka ahayn u fududeyn kara inuu fahmo diinta Islaamka!

Islaamku waa diinta ugu ballaaran adduunka oo ay heystaan in ka badan 2 bilyan oo qof oo Muslimiin ah.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!