crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Wasiiradda ka cabsataa ‘aragtida iyo urta’ Mooska! | HimiloNetwork

Wasiiradda ka cabsataa ‘aragtida iyo urta’ Mooska!

MUQDISHO (HN) — Wasiir u qaabilsan dowladda Sweden waxa loogu yeero sinnaanta lab iyo dhedig ayaa lasoo werinayaa inay aad uga cabsooto aragtida mooska ama urtiisa labada. Waxayna aad uga fogaataa meesha loogu sheego inuu yaalo. Dad badan moosku wuxuu u yahay qudaarta ugu macaan oo ay cunnada ku cunaan, balse haweeneydan waxay u aragtaa malagii dili lahaa haddii ay aragto ama uu usoo carfo.

Paulina Brandberg ayaa markii ugu horreysay barteeda Twitter-ka ku shaacisay sida ay uga cabsooto mooska sannadkii 2020 – iyada oo cabsideedaas ku micneysay midda ugu foosha xun oo qof bani-aadam ah ka sheegto. Laakiin wargeys ku yaalla Sweden ayaa sirteeda oo dhan bannaanka usoo saaray dhawaantan. Shaqaalaha iyo dhammaanba habdhowraha wasiiraddan oo 41 jir ah ayaa isku xilqaama inay hubsadaan moos oo dhan inuusan agteeda imaanin ama la keenin!

Waxaana yaab leh in kulamada ay ka qeybgasho aalaaba kasoo qeybgalayaasha lagu wargeliyo sida wasiiraddu aysan u jecleyn mooska lagana doonayo inay ku tix-geliyaan cabsida ay ka qabto.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!