HomeWararkaHaween - beddelkii taallooyinka qaawan - loo adeegsanayo in dharka lagu xayaysiisto!

Haween – beddelkii taallooyinka qaawan – loo adeegsanayo in dharka lagu xayaysiisto!

MUQDISHO (HN) – Shirkad caan ah oo dharka iibisa ayaa – beddelkii taallooyinka qaawan – adeegsanaysa dad noolnool si ay ugu xayaysiistaan dharka ay soo saaraan.

Taallooyinka qaawan waxaa aalaaba loogu lebisaa ama lagu jimeeyaa dharka si qofka dalbanaya uu u arko inuu ku habboon yahay iyo in kale. Laakiin hadda shirkad ayaa beddelkii taallooyinkaas isticmaalaysa dad nool si ay ugu xayaysiistaan. Qorshuhu wuxuu markii hore u muuqday inuu si fiican iskugu dubba-dhacay. Waxaana la helay dadkii boosaskaas buuxin lahaa. Dad badan ayaa weliba isugu soo baxay si ay u daawadaan. Balse markii muuqaallada dadkan oo sida taallooyinka qaawan u taagan ay ku baaheen baraha bulshada, shirkaddu waxay la kulantay dhaleeceymo xooggan oo kaga yimid shacabka gaar ahaan kuwo u dooda xuquuqda dumarka.

Balse markii muuqaallada dadkan oo sida taallooyinka qaawan u taagan ay ku baaheen baraha bulshada, shirkaddu waxay la kulantay dhaleeceymo xooggan oo kaga yimid shacabka gaar ahaan kuwo u dooda xuquuqda dumarka.

Macadda sida ay uga falceliyeen cambaaraynta loo jeediyay, waxaana ay sidii hore u wataan shaqadooda.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments