MUQDISHO (HN) – Shirkad caan ah oo dharka iibisa ayaa – beddelkii taallooyinka qaawan – adeegsanaysa dad noolnool si ay ugu xayaysiistaan dharka ay soo saaraan.
Taallooyinka qaawan waxaa aalaaba loogu lebisaa ama lagu jimeeyaa dharka si qofka dalbanaya uu u arko inuu ku habboon yahay iyo in kale. Laakiin hadda shirkad ayaa beddelkii taallooyinkaas isticmaalaysa dad nool si ay ugu xayaysiistaan. Qorshuhu wuxuu markii hore u muuqday inuu si fiican iskugu dubba-dhacay. Waxaana la helay dadkii boosaskaas buuxin lahaa. Dad badan ayaa weliba isugu soo baxay si ay u daawadaan. Balse markii muuqaallada dadkan oo sida taallooyinka qaawan u taagan ay ku baaheen baraha bulshada, shirkaddu waxay la kulantay dhaleeceymo xooggan oo kaga yimid shacabka gaar ahaan kuwo u dooda xuquuqda dumarka.
Balse markii muuqaallada dadkan oo sida taallooyinka qaawan u taagan ay ku baaheen baraha bulshada, shirkaddu waxay la kulantay dhaleeceymo xooggan oo kaga yimid shacabka gaar ahaan kuwo u dooda xuquuqda dumarka.
Macadda sida ay uga falceliyeen cambaaraynta loo jeediyay, waxaana ay sidii hore u wataan shaqadooda.

You must log in to post a comment.