crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Nin qaba Macaanka oo u geeriyooday xagtinta bisad uu korsan jiray! | HimiloNetwork

Nin qaba Macaanka oo u geeriyooday xagtinta bisad uu korsan jiray!

MUQDISHO (HN) — Nin da’da dhexe ku jira oo la xanuunsanaa xanuunka Macaanka ama Sonkorta ayaa u geeriyooday, sida la sheegay, xagtin ay u geysatay bisad ama yaanyuur hebed u ahayd oo uu xanaaneyn jiray!

Bishan November 22, Dmitry Ukhin, oo 55 jir ah, oo ku nool gobalka Leningrad ee dalka Ruushka, wuxuu u baxay inuu raadiyo bisadiisa la yiraahdo Styopka oo jecel aalaaba inay wareegto xaafadaha iyo jaarka ku dhagan gurigiisa. Goobjoogayaal ayaa sheegay in markii dambe uu helay bisadda kadibna uu la aaday gurigiisa.

Waxaase caddaymo ku filan loo helin weli sababta ay sida xun ugu xagatay lugtiisa oo dhiig badan uu ka yimid. Waxyar kaddibna wuxuu u geeriyooday dhaawacii kasoo gaaray xagtinka bisadda.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!