MUQDISHO (HN) — Soo if-baxa Muslimiin asalkoodu yahay Celtic waxay qaabaynaysaa muuqaalka diimaha laga heysto dalka Ireland, waxaana caddaan badan oo badan ay hadda kusoo biirayaan bulshada Islaamka.
Badigood waxay soo noqoshadooda – islaamidooda – ku sababeynayaan dhowr arrimood oo isbiirsaday kuwaas oo ku baraarujiyay macaanka Islaamka iyo sida ay uga qatan yihiin sida; la’aanta xiriir joogto ah oo qofku la yeesho Allaha abuuray, kaniisadaha oo sida ganacsi loo furtay in lagu furto ama lagu baado dadka kuwaas oo diinta Kirishtanka ku dhaqankeeda kasii fogeysay in badan oo indheergaradka bulshada kamid ah.
Ken, waxaa iska dhalay Irish iyo Salvadoran wuxuuna muddo badan baadigoob ugu jiray helidda micnaha dhabta ah ee jiritaanka nolosha iyo abaalmarinta dambe ee aakhiro. Safarkiisu wuxuu kasoo bilowday mar uu doonay inuu noqdo baadari, laakiin, sida uu yiri, wuxuu dareemay in kaniisaddu aysan u sameysneyn inay ka jawaabto baahida ruuxaaniyadeed ee dadka ku cibaadeysta. Wuuna ka xariq-furtay!
“Qof ayaa markii dambe igu martiqaaday inaan barto diinta Islaamka,” ayuu yiri. “Waxaana dareemay in wixii aan tabayay oo dhan ay halkan ku dhan yihiin oo aan haleelay xaqiiqda.”
Hadda wuxuu marwalba oo kownkan uu Ilaahay fidiyay iyo noolaha kala duwan ee ku nool uu ku fikiro ama ku tadaburo, wuxuu lahaanshiyaha iyo awooddaba u celiyaa Allahii abuuray!
Imam Dr. Umar Al-Qadri wuxuu muddaba u kuurgalayay sida butaacada leh oo dadku ay ugu soo biiriyaan Islaamka iyo sababaha loo celin karo. Wuxuu sheegay in faafitaan xanuunka Covid-19 iyo gumaadka ka socda Gazza ay indhaha u fureen dad aan Muslimiin ahayn oo jeclaaday Islaamka iyo Eebbaha xaqa ah.
20-kii sannadood ee lasoo dhaafay, Dr. Umar wuxuu 500 oo qofood ka caawiyay inay Islaamka qaataan kana mid noqdaan bulshada Muslimiinta kuwaas oo badi ku nool Ireland, waxaana kamid ah fannaanadii Sinéad O’Connor oo mar dambe iyada oo Muslimad ah geeriyootay!
“Isma diidayaan Islaamka iyo Ireland, waxaana diinteennu ay xoojinaysa dhaqamada fiican oo dadkani leeyihiin,” ayuu yiri al-Qadri. “Marka ugu dambeysana, waxaan dhammaanteen nahay dad Irish ah.”
Marka loo eego warbixinta Pew Research ay sameysay sannadkii 2016, Muslimiinta Ireland waxay gaarayaan 70,000. Tiradaasna way isasii taraysaa marba marka kasii dambeysa.
You must log in to post a comment.