crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> 8 jir 8 bilood Qur’anka oo dhan ku xifdiyay! | HimiloNetwork

8 jir 8 bilood Qur’anka oo dhan ku xifdiyay!

MUQDISHO (HN) — Guul la taaban oo taariikhii ah ayuu soo hooyay Mohammad Omar Faruk oo ah 8 jir u dhashay dalka Bangladesh kaddib markii uu 8 bilood gudahood ku dhammeeyey Qur’anka kariimka ah. Waana safar sida caadada ah carruur badan ku qaata saddex sannadood inay ku bartaan Qur’anka.

“Waan ku faraxsanahay inaan Qur’anka dhameeyo, waxaana rabaa inaan caalim Muslim ah noqdo,” ayuu yiri wiilkan dhigta dugsiga Alexander Darul Quran Islamia Madrasa

Macalimiintiisa ayaa ku qeexay inuu yahay wiil howlkar ah oo barashada Qur’anka soo bilaabay bishii September sannadkii hore. Doonistiisa adkeyd ayaa ka dhex soocday ilmaha kale ee dugsiga la dhigta, wuxuuna kusoo baxay xiddig muddo gaaban. Wuxuu xilliyada ay saaxiibadiisa kale bannaanka ku cayaarayaan ku qaadan jiray gudaha dugsiga isaga oo xifdinaya kitaabka Qur’anka.

“Waa nimco Ilaahay; mana sahlana in in kooban qof uu Qur’anka oo dhan ku xifdiyo,” ayuu yiri Maulana Shahadat Hossain Jamil, oo maareeye ka ah dugsiga.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!