MUQDISHO (HN) — Kasoo bilow qabsashadii Carabta; tii Tataarka iyo duullaankii bartamaha Aasiya, Islaamka wuxuu hadiyo jeer qeyb muhiim ah ka ahaa geeddi-socodka taariikhda dalweynaha Ruushka.
Halka tiradooda lagu tilmaamo mid kamid ah tira-yarta ugu badan ee Yurub ku nool, 90% Muslimiinta Raashiya waa Sunni. Wax ka yar 2 milyan ama 10% ayaa Shiico ah.
Qowmiyado kala duwan oo Raashanku ugu weyn yahay ayaa ku nool Ruushka.
Islaamku wuxuu gobalka Caucasus soo gaaray qarnigii 7aad. Dadka reer Dagestani-na waxay ahaayeen kuwii ugu horreeyey ee qaatay Islaamka. Jamhuuriyadda koowaad ee Islaamiga ee ku taalla Raashiya waxay ahayd Volga Bulgaria.
Islaamku wuxuu aqoonsi buuxda ka heysta dowladnimada Ruushka iyo siyaasiyiinta dowladda. Waxaana loo tix-geliyaa mid kamid ah diimaha aas-aaska u ah Ruushka Mad-habta Orthodox ee Masiixiyadda kaddib.
Diinta rasmiga ah ee dowladda ayaa loo magacaabay Islaamka sannadkii 922 gudaha Jamhuuriyaddii Volga Bulgaria oo ku beegan 66 sano kahor inta aan Mad-habta Orthodox loo qaadan inay tahay diinta rasmiga ah ee dowladd Ruushka.
Markii Kacaankii Shuucigu dhashay, dalku wuxuu la-qabsaday nidaamka Alle-diidka. Waxaana lagu xukumi jiray calmaaniyadda. Islaamkana waxaa loo colaadiyay si ba’an. Laakiin burburkii Soofiyeet-ka kaddib, Islaamka wuxuu dib u hantiyay gacanta sare. Wuxuuna si xarago leh mar labaad uga soo ifay cirifyada iyo gudaha Ruushka.
Marka loo eego US Department, Muslimiinta Ruushka waxaa lagu tiriyaa 14 milyan oo ruux oo aanay ku jirin Muslimiinta Jejniya iyo Ingushetia ku nool.
Sannadkii 2018-ka, Muftiga Ruushka, Sheikh Rawil Gaynetdin, ayaa Muslimiinta Ruushka ku sheegay inay dhan yihiin 25 milyan.
Maanta, Ruushka, kaliya looma yaqaan dalka Mad-habta Orthodox balse dalka Muslimiinta kala qowmiyadaha ah ay ku nool yihiin.







You must log in to post a comment.