MUQDISHO (HN) — Ninka aad ujeedaan uma joogo halkan inuu muuqaal kooban ku sameeyo. Nolosha la-dhaqanka masaska waa hab nololeedkiisa. Waana mid uu xaggeeda usoo dhamaaday. La-cayaaridda masasku waa u mihnad iyo hibo uu aaminsan yahay inuu dheer yahay inta kale.
Waxaana lagu magacaabaa ninka maska. Magaciisu waa Cali Maxamed Maango. Waa muwaadin Muslim ah oo ku nool dalka Tansaaniya. Waana 44 jir qaba xaas u heysa hal cunug.
Qofna kuma dhaco inuu la caratamo. Mana dhalan wali qofkii is hortaagi lahaa jidkiisa. Waayo sida uu hayinka uga dhigtay masaska ayaa siinaysa kalsooni iyo baqa-carar laga muujiyo la-ficiltankiisa.
Saaxiibkiis ayuu isaga oo yar ka bartay sida masaska loo tujileecsado ama qabbaan looga dhigto. Dadaal joogto ah iyo hal-adeygnimo waa midda maanta ka yeeshay inuu siduu doono ula dhaqmo masaska. Wuxuu awoodi karaa inuu nuugo afkiisa; isku duubo isaga oo dhan ama uu kasoo dhex bixiyo sanduuqyada ay ku xiran yihiin.
21 sano ayuu hadda la nool yahay masaska. Isaga ahaan, waxay u noqdeen walaalihiisa oo kale. Tiradooduna waa 14. Isaga oo shaadiran masaska kuwooda waaweyn ayuu ku cayaarayaa dheel u eg midda qoob-ka-cayaarka oo qaarka sare nuuxnuuxinaya.
Xattaa wuxuu la aadi karaa gudaha meelaha halista ah ee laga dhinto sida xubnaha taranka. Laakiin mid kaliya ayaa hubaal ah. Marnaba afka masaska oo furan kuma dhiirrado inuu u diro meelaha duleela sida afka.
Marka loo eego waaya’aragnimadiisa, wuxuu sheegay in cimriga masasku ay gaari karaan ilaa shan kun oo sannadood. Cunnada uu isaga ahaan, quudiyana ay isugu jiraan digaaga, ukumaha, bakeylaha, hilibka iyo wixii soo raaca.
Wuxuu sheegay in masasku aanay lamid ahayn noolaha kale oo u baahan in maalin walba ay wax cunaan. Saddex jeer ayay bil walba wax ka cuni karaan. Inta kale waxay awoodi karaan inay cunno la’aan ku joogaan.
Madaama ay u arkaan sida walaalkood ka weyn, wuxuu sheegay inuu kula nool yahay hal qol oo aysan weligiis halis ku noqon noloshiisa, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Qaar wali aan xuubdhacsan ayaa ku jira. Mar la weydiiyay sababta uu uga dido marka uu sanduuqyada kaso bixinayo, wuxuu sheegtay inay taasi ka dhigan tahay af-garasho ay isku aqoonsadaan oo aanay ka ahayn cabsi.
Wuxuu isku sifeeyey qof isku tuhmaya wanaag madaama masasku qofka xun oo qura ay qaniinaan ama waxyeelo gaarsiiyaan. Waxaase xaqiiqo ah inuu wax un ka bartay hab-dhaqankooda sida; goorta ay tahay in lala cayaaro ama la siiyo waqti u gooni ah oo ay gaarkooda u joogaan.
Marka aad sidoo kale si dhow ugu fiirsatid la-dhaqankiisa masaska, waxaad ka dheehanaysaa inuu ku xeeldheeraaday noloshooda. Waana nin sharciyad u heysta shaqada uu qabanayo. Waayo fagaaraha uu ficilkiisa qariibka ah kusoo bandhigayo waxaa tuban dadweyne carruur u badan kuwaas oo la dhacsan la-falgelidiisa masaska.
Kanina waa macalinkii baray Cali Ibraahim sida masaska loola noolaado. Sir halis ah daafurkeeda ayuu ku dhiirraday inuu daboolka uga qaado da’yar uu Cali kamid yahay oo maanta ku xoogsada la-cayaaridda masaska. Miyiga fogna waxaa wali jooga qaar kale oo hadda doonaya in sidiisa oo kale ay u bartaan la-dhaqanka masaska.
Sida shaqo lamid ah shaqooyinka kale ayuu sheegay Cali inay ula mid tahay – qof kasta oo raba inuu barto sida masaska loo xanaaneeyana, wuxuu u balanqaadayaa inuu ka caawin doono. Waayo ayuu yiri anigu ma ihi daneyste isaga un wax isla raba.
You must log in to post a comment.