Diifta Yaa U Dooray Darbi-Jiifta?
Posted by: Himilo
in Faallooyinka
September 9, 2018
1,428 Views
Muqdisho (Himilonetwork) – Darbi jiifnimadu waa nolol adag oo aanay ku tala-galin amase aanay dooran, waa mid aan laheyn caafimaad iyo mustaqbal wanaagsan, darbi-jiifnimadu waxaa sabab u ah saboolnimada, geerida waalidka, burburka dowladnimo iyo kala taga hooyada iyo aabaha, halka qaarna ay duruufta nolosha u saamixi weyday inay guryahooda sii joogaan.
Marka aan dib u milicsano dowaladdii Kacaanka dalka ka talin jirtay intii u dhaxeysay 1969-91-kii, waxa ay ku guulaysatay xanaaneynta carruurta isugu jirta darbiijifta, agoonta iyo danyarta iyada oo ugu magac dartay Ubaxa Kacaanka kuwaas oo ka qeyb qaadan jiray ban-dhigyada ay dowladdu qaban jirtay.
Kaddib markii ay burburtay dowladdii dhexe, dagaaladdii wadanka ka dhacay waxay dalka ku reebeen raadad kala duwan kuwaas oo saameyntooda laga dheehan karo, marka aad dhexmarto magaalooyinka waaweyn ee dalka. Waxaa sii kordhay tirada carruurta darbiyada jiifta, iyaga oo la sarqaansan xabag ay dhuuqeen, taasi oo caafimaadkooda dhibaato xoog leh u geysaneyso.
Carruurta darbi jiifta ah waxa ay isugu jiraan wiilal iyo hablo, balse waa mid u geysatay darruufo fara badan mana jirto cid jecleysan karta in ay seexato darjiimada iyo busteejooyinka kuwaasi oo mararka qaar la kulma roobabka ka curta guud ahaan dalka, sidoo kale dhalinta ayaa isticmaala cunno qashin leh oo u horseedi kara inay cudduro ku dhacaan.
Xanuunka iyo murugada laga dhaxlay Nolosha darbi jiifnimada ayaa lagu soo ban-dhigay dhawaanahan maanso u dhacaysa sidatan;
Daruuf Adag baan ku korey, Daryeel hooyana ma helin.
Dadaal aabana ma arag, Tol iyo xidid ii damqada.
Dadkana kuma lihi walaal, Waxaan u hoydaa darbiga.
Ayaan qudha deeq mahelin, Farxadda waan kala didnaa.
Waxaan gashadaa dareys, Maryaha duuggee qubtaan.
Dux iyo iidaan ma cuno, Dugaag waxaan qeybsanaa.
Hanbada aad daadisaan.
Talada ugu muhiimsan oo aan jeedinayo waxa ay tahay in maamul kasta oo goob ka taliya ugu yaraan degmo ay xanaaneyn u fidiyaan carruurta la tacaaleysa dhib-darada ka muuqata,waa in ay helaan hoy, cunno, dhar, loona diyaariyo xarumo wax-barasho, gargaar degdeg ah, nafaqeyn iyo daryeel guud.
Carruurtan waxa ay ku badan yihiin magaalooyinka waaweyn ee dalka mana jirto qolo si gaar ah u xanaaneysa, waxaana dhalintan haddii ay baahidaasi helaan laga yaabaa in mustaqbalka soo aadan noqdaan ubaxa dalka.
Qore: Mohamed Hassan Mohamed Owen.
Fariin Danabeed:Mohassan484@gmail.com.
Related
2018-09-09
You must log in to post a comment.