crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dhallinyaradu waa is-beddelka Bulsho kasta! | HimiloNetwork

Dhallinyaradu waa is-beddelka Bulsho kasta!

Muqdisho (Himilonetwork) – Marka aan dib ugu noqono taariikhda aadanaha, dawrka dhalinyarada ee isbedelka bulshada waxa uu ahaa mid muuqda. Waxay ka qayb qaadan jireen hawlaha dadweynaha sida dhaq-dhaqaaqyadii xorriyad raadinta, welina bulshooyinka caalamka waxa ay ku leeyihiin kaalin durugsan. Inkastoo dalal badan ay hoos u dhigeen kaalintii dhalinyarada sida inay xilal ka qabtaan kolba maamulka dawliga ah ee jira, balse da’yartu waa dad tamartu ku badantahay oo leh filasho sare oo dhanka nolosha ah,nasiib darrase siyaasiinta maanta qaarkood waxa ay dhalinta ka dhigeen kuwo aan saameyn buuran laheyn, sidaa darteed waxaan daneynayaa inaan wax ka tilmaamo jiridda arrimahan.
Tirada da’yarta u dhaxeysa 15 ilaa 30 jirka, si aad ah ayay ugu sii kordhaysaa dunida, waxaa jira fursado iyo caqabado ku xeeran dhalinyarada si dadban iyo toos ahba, caqabadahaas waxaa ka mid ah in si khaldan loo isticmaalo xoogga dhalinyarada. da’yarta ugu badan waxaa ay ku nool yihiin dalalka soo koraya sida Africa, Asia, iyo Latin America. Dhalinta ku jira da’da 24 jirka iyo kuwa ka yarba bulshooyinka dunida waxaa la qiyaasaa inay ka yihiin 40%.
Balse dhalin fara badan ayaa weli waxa ay u dhimanayaan saboolnimada fog, isku dhacyo, iyo cudurada dilaaga ah.
Qaar ka mid ah siyaasiinta oo ay ku jiraan kuwo darajooyinka sar-sare haya waxa ay dhalinta ka dhigtaan hub ay u adeegsadaan kolba sida ay doonaan, iyagoo ka ilaaliya dhalinta hamiga leh inay xilal miisaan leh qabtaan. Halkaa waxaa ku luma xuquuqdii dhalinyarada iyo kaalintii ay ka qaadan lahaayeen isbeddelka bulshada, waxa ay isku arkaan inaysan waxba aheyn, qaarkooda waxa ay go’aansadaan inay dalka isaga tagaan sida in ay tahriiban. Marka ay sidaasi dhacdo dhalintu waxay noqdaan baylah wax walba u nugul iney aqbalaan sida in laga dhaadhiciyo fekrado xag-jirnimo oo ay ka faa’iideystaan hoggaamiyaal leh aragti dhinac u janjeerta.
Dhammaan tusaalayaashaan aan kor ku soo xusnay, waxaan si fudud uga dheehan karnaa dhacdooyinka iyo wararka maalinlaha ah ee daafaha dunida laga soo weriyo,kuwaas oo dib ugu noqonaya dhibaato ay huriyeen hoggaamiyaal aan wanaagsaneyn. hase ahaatee waxaa jira madax maskax furan kuwaa oo gartay inay dhalinyaradu yihiin lafdhabarta,wadnaha iyo hantida uu leeyahay dalka kasta oo meerahan dul yaal. Hogaamiyaasha leh aragtida fog waxa ay dhalinta siiyeen xuquuqdooda aasaasiga ah sida tacliin tayo leh, waxay kale oo ay u ogalaadaan inay ka qeyb qaataan nadaamka maamul ee markaa jira, taa waxa ay keentay in da’yartu ay soo bandhigaan dawrkooda in bulshada isbeddel loo horseedo weliba si fir-fircoon.
Sikastaba, culeysyada iyo caqabadaha ku foolan dhalinyarada kama aysan horjoogsan in badan oo ka mid ah inay wax u qabtaan bulshada oo halkaa kuma damin dawrkii ay ku lahaan jireen muddaba horumarka bulshooyinka caalamka. Tusaale ahaan sanadihii tagay waxaa la diwaan geliyay dhacdooyin isbeddel bulsho sida Kacdoonkii Gu’gii Carabta, kacdoonkaas iyo kuwo kale waxaa lugo u ahaa oo bilaabay dhalinyaro iyo dad kale oo la dhacsanaa hawlaha ay wadeen. bulsho ahaan waxa ay ka qeyb qaataan hawlo badan sida nadaafadda, tacliinta, la dagaalanka musuq maamusaqa iyo hawlo kale oo badan sida ganacsiga. dhalinta iyo caruurta waxa ay ka shaqeeyan oo ay kaalin ka ciyaaraan qoyskooda, deegaankooda magaaladooda iyo dunidoodaba. Waxay awood u leeyihiin inay dunida wax ku soo kordhiyan waxna ay bedelaan.
Gunaanad, dhalintu waa mustaqbalkeenna, waxa ay leeyihiin tamar u gaara iyo xirafado dabiici ah oo ku duugan kuwaa oo u baahan in la daah qaado lana hormariyo, aad ayay muhiim u tahay in dhalinta aqoon lagu maal geliyo si ay u noqdaan kuwo la yimaada hawl gudasho hufan, iyagana waxaa la gudboon inay bartaan xuquuqdooda wixii ka maqanna ay ku raadiyaan qaab nabdoon oo cilmi ku dhisan.
Qore: Axmed Maxamed Maxamuud oo katirsan Idaacadda Himilo ee Muqdisho.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!