MUQIDSHO (HN) – Muuqaal laga soo duubay barnaamij ay dowladdu ka sameynaysay Patna ayaa dhaliyay caro ba’an kaddib markii hoggaanka gobalka Bihar, Nitish Kumar la arkay isaga oo isku dayaya inuu xijaabka kor uga qaado gabar dhaqtar Muslimad ah oo uu guddoonsiinayay abaalmarin.
Falkan ayaa ka dhacay xarunta looga taliyo gobalka Bihar. Xafladda waxaa loo soo agaasimay si warqadaha aqoonsiga la guddoonsiiyo ku dhawaad 1,283 dhaqaatiir ah oo hadda kaddib ka howlgeli doona gobalka Bihar. Nusrat Parveen, oo kamid ahayd dhaqaatiirtaasina waxay usoo istaagtay masraxa si loo siiyo warqadda aqoonsiga dhaqtarnimada. Balse wax aysan filaneyn ay kala kulantay ninka ugu sarreeya maamulka gobalka Bihar.
Nitish Kumar ayaa marka hore isku dayaya inuu u baaqo Nusrat si ay isaga qaado niqaabka. Balse markii ay ka daahday baaqiisa ayuu gacantiisa lasoo aadayaa si uu uga qaado. Gabadhan Muslimadda ah ayaa la arkayaa iyada oo dareemaysa yaxyax iyo bahdilaad – halka dadkii ka ag dhawaa guddoomiyaha ay qosol uga falcelinayaan ficilkiisa.
Xisbiyadda mucaaradka Hindiya ayaa tallaabadan ku tilmaamay foolxun iyo xadgudub ka dhan ah xurriyadda qofka dumarka ah. Balse ilaa hadda wax jawaab ah kama soo bixin xafiiska guddoomiyihii falkan ku kacay!