HomeDunida MuslimkaCiqaabtii Daatil-Wuquud oo kale oo lagu hayo Muslimiinta Hindiya!

Ciqaabtii Daatil-Wuquud oo kale oo lagu hayo Muslimiinta Hindiya!

MUQDISHO (HN) – Dhacdo kale oo xanuun badan oo iftiiminaysa halista ku fooggan nolosha qofka Muslimka ah iyo amniga oo faraha kasii baxaya ayaa 12 Desember sannadkan ka dhacday gobalka ugu saboolnimada badan Hindiya ee Bihar.

Mohammad Athar Hussain, oo ah 40 jir kamid ah waratada dharka ku iibisa suuqa ayaa kooxo hubeysan waxay u geysteen jirdil iyo suurad-xumeyn aad u foolxun oo ugu dambeyntii sababtay inuu u geeriyoodo. Waxaana yaab leh in falkani uu ka dhacay agagaarka saldhigga degmada Nawada’s Roh.

Mohammed oo ahaa qofka kaliya ee reerkiisa u shaqeeya wuxuu muddo 20 sannadood ah ka xoogsanayay suuqa Nawada. Muuqaal laga duubay kahor inta uusan dhiman, wuxuu ku sheegay in afar ilaa shan qof ay istaajiyeen: kadibna baarteen kahor inta aysan usii kaxaysan qol kuna qasbin inuu caddeysto heybtiisa Islaamnimada.

Maleeshiyada ayaa Maxamed jirkiisa ku garaacay bir adag – iyaga oo ka jebinaya gacmaha, feeraha: kana dilaacinayana farruuryaha iyo dhegaha. Waxayna ku bilbileen shidaal si ay nolosha ugu gubaan. Wararka qaar ayaa sheegaya inay sidoo kale dharka ka siibeen si ay u ogaadaan inuu gudan yahay iyo in kale.

Xaaska marxuumka, Shabnam Parveen, oo 10 qofood kusoo oogtay inay ka dambeeyeen dilka seygeeda ayaa boolisku ugu dambeyntii kasoo xiray shan kamid ah.

Gobalka Bihar waxaa si xun ugu faafaya Muslim-naceybka waxaana sannadkan gudihiisa la dilay dhowr qofood oo Muslimiin ah.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments