crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Zheng He – Juqraafiyaqaankii Muslimka ahaa ee soo helay Latin Amerika! | HimiloNetwork

Zheng He – Juqraafiyaqaankii Muslimka ahaa ee soo helay Latin Amerika!

MUQDISHO (HN) — Dhammaanteen waxaynu naqaan sahmiyayaasha Galbeedka sida; Marco Polo, Ferdinand Magellan, Vasco da Gama, Columbus iyo kuwo kale oo badan. Waana inta ugu badan ee taariikhdu si ka badbadis ah loogu sheegay!

Laguuma sheegin dadkii ka horreeyey ee dhulmareennadii Muslimiinta ahaa kuwaas oo ilbaxnimada dunida iyo xadaaraddeeda bud-dhig u ahaa sida Ibn Battuta, Ibn Majid, Shamsuddin Abu Abdullah al-Moqaddasi, Ibn Fudhlan, Ibn Jubayr, Abu Bakr-kii labaad (King of Mali), Piri Reyes iyo kuwa kale oo badan oo Muslimiin ahaa kuwaas oo taariikhda dunida dhinaca kale u rogay.

Waxaase aan halkan kuugu sheegaynaa juqraafiyaqaankii Muslimka ahaa ee Shiinaha u dhashay oo la yiraahdo Admiral Zheng He. Waa nin soo helay Maraykanka iyo Latin Amerika kahor Colombus. Wuxuu qarnigii 14aad ku dhashay tuulo yar oo ku taal Yunnan. Waxaana uu beel ahaan kasoo jeedaa heybta qoyska Hui.

Magaciisa caadiga waxaa la dhihi jiray ‘Ma He’ oo marka af Shiineeska loo fiiriyo ku ah Muhammad. Yaraantiisa ayuu dareemay inuu rabo dunida oo dhan inuu soo arko. Waxaa la baray diinta Islaamka iyo luqadda Carabiga wuxuuna ugu hadli jiray sida afkiisa hooyo oo kale.

Markii uu 10 jir ahaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamadii boqortooyada oo ku sugnaa Yunnan oo ay howlgal ka fulinayeen. Waxay u gudbiyeen Nanjing halkaas oo dhibow ciidan uu ku qaatay. Wuxuuna kusoo baxay mid kamid ah abbaanduulayaashii ugu saameynta badnaa ciidankii Shiinaha.

Wuxuu booqday in ka badan 30 dal oo Afrika iyo Aasiya isugu jira, wuxuuna kala yimid aqoon iyo waaya’aragnimo is huwan, waxaana safarkaas ku wehlin jiray Muslimiin kale oo Shiinees ah.

Admiral Zheng He.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!