MUQDISHO (HN) — Catia Lattouf de Arída waxay gurigeeda oo ku yaalla Mexico City ka dhigtay xarun daryeel iyo isbitaal u gaar ah shimbiraha oo kuwooda dhaawacan ama beylahan lagu xanaaneeyo. Waxayna shaqadan ku guda-jirtaa muddo 11 sannadood ah.
Maadaama deegaamaysiga iyo dhismayaasha dhaadheer ay camirayaan muuqaalka magaalooyinka, waxaa cidlo looga tagayaa hab nololeedka noolaha siiba shimbiraha maadaama inta badan geedo ku filan oo ay ku noolaadaan aan loo abuurin. Laakiin hadda, 73 jirta Catia waxay sameynaysaa wax walba oo karaankeeda ah si ay arrintaas wax uga qabato.
Waqtigeeda inta ugu badan iyo kheyraadkeeda waxay ku bixisaa daryeelka iyo ilaalinta nolosha shimbiraha, waxayna qaadatay magaca dhaqtaradda shimbiraha. Waxaana gurigeeda loo bixiyay isbitaalka shimbiraha, sidoo kale.
Seygeeda ayay weysay 11 sanno kahor, waxaaana u xigay in laga sheegay xanuunka kansarka. Xilli adag ayay ku jirtay xaqiiqdii. Laakiin maalin iyada oo maraysa mid kamid ah waddooyinka ayay la kulantay shimbir ka dhaawacan isha oo ay ka waxyeeleysay shimbir kale. Gurigeeda ayay ula kacday shimbirtii dhaawacneyd, wax badanna kama aqoon sida loo xanaaneeyo. Qof jaarkeeda oo tallaabtaas ku dhiirrigeliyay, waxay la timid inay u go’do ugu dambeyntii inay noqoto xanaaneeye shimbiraha Mexico City.
Waxay sheegtay in daryeelka noolaha Ilaahay ay ku ilowday kagana bogsatay xanuunno badan oo hayay sida kansarka oo ay la tacaalaysay! Shimbiraha qaarkood waa kuwo hadda un dhashay, kuwo beylahmay iyo qaar dhaawac daran uu soo gaaray. Waxayna gebigoodba halkan ka dhigteen rug u gaar ah oo ay ku dareemaan macaanka nolosha.
Maadaama aqoonta ay shimbiraha u yeelanayso ay sii kordhayso maalinba maalinta xigta, Catia waxaa hadda lagu casuumaa inay baanisayaal ka jeediso shirarka looga hadlo arrimaha deegaanka iyo noolaha. Waxayna samafalkeeda kusoo gudbisaa baraha bulshada sida Tiktok halkaas oo dad badan ay si xoogan u fahmaan farriinteedu xambaarsan tahay!
Waxaa yaab leh in xattaa shimbiraha kuwooda aan lahayn ifafaalo ah inay samata-baxaan loo diyaariyo duugmo ama xabaal ku habboon oo lagu aaso geeridooda kaddib.
You must log in to post a comment.