MUQDISHO (HN) — Kaddib markii hooyadiis ku cadaadisay inuu ka shaqeeyo leyliga iskuulka looga soo dhiibay, 10 jir u dhashay Shiinaha ayaa isaga cararay gurigiisa. Wuxuuna aaday saldhigga booliska si uu ugu wargeliyo wixii ka qabsaday guriga iyo inuu doonayo inuusan dib dambe ugu laaban. Sidaas darteed, wuxuu codsaday in la geeyo goobaha lagu daryeelo ilmaha agoomada ah.
Warbaahinta Shiinaha ayaa sheekadan soo tebisay. Waxaana muuqaalka CCTV-ga ay duubtay la arkayaa wiilkan oo soo galaya saldhigga oo ay kahor imaanayaan labo askari oo heeganka ku qoran. Wuxuuna uga warramayaa wixii ku qabsaday gurigiisa iyo go’aankiisa ku aadan inuusan dooneyn dib dambe in loogu celiyo. Saraakiisha oo intaas kaddib ka qortay xiriirka waalidiintiisa ayaa u suuragashay inay wacaan hooyadiisa – oo ay wax ka weydiiyaan dhacdadan. Hooyadan ayaana u xaqiijisay jiritaankeeda waxayna intaas kusii dartay inuu inankeedu ka dhego-berjoobay si fiican inuu uga shaqeeyo leyliga looga soo dhiibo iskuulka. Taas beddelkeedana, uu isku dayo inuu iska dheeldheelo. Balse waxay qirtay inaysan weligeed suuraysan inuu wiilkeedu ka dacweyn doono saldhigga – iyo inuu dooran doono xarumaha lagu daryeelo ilmaha agoonta ah iyada oo weli u nool korintiisa oo aan dhiman.
Wiilka ayaa markii dambe laga dhaadhiciyay inuu raaco labadiisa waalid iyo inuusan ku fikirin inuu ku noolaado meel gurigooda ka baxsan.
Dadka Shiinaha oo ka aragti dhiibtay sheekadan ayaa hambalyo siiyay booliska maadamaa ay si fiican u xaliyeen dhacdadan. Waxayse geesta kale, isla qireen inay joogaan xilli jiilka maanta nool lagu sifeyn karo caajislowyaal.


You must log in to post a comment.