HomeLa-yaabka"Looskiina ceshta - lacagtayda isiiya" - haweeney dalab la-yaab leh ku celinaysa...

“Looskiina ceshta – lacagtayda isiiya” – haweeney dalab la-yaab leh ku celinaysa shirkad…

MUQDISHO (HN) — Haweeney allerjik ku ah looska ayaa sheegtay inay weysay doorasho aan ka ahayn inay wada iibsato dhammaanba baakadaha looska ee loogu tala-galay in la siiyo rakaabka saaran diyaarad ka duushay London kuna sii jeeday Jarmalka – sababtuna waxay ku sheegtay inay haddii la siin lahaa ay nafteedu halis geli lahayd.

Lacag dhan £144 ($184) oo ah laballaabka lacagta tigit-ka ayay ku iibsatay dhammaanba looskii la siin lahaa rakaabka. Haddase waxay weydiisanaysaa shirkadda duullimaadka inay lacagtaas usoo celiso maadaama, sida ay sheegtay weli u baahan yahay isla looskii – iyadana ay lacagteeda rabto.

In kasta oo weli aan la fahmin sababta shaqaalaha diyaaraddu ay ku oggolaadeen codsiga haweeneydan iyo waxa ay beddel ahaan u siiyeen rakaabka kale, haddana haweeneydan ayaa hoosta ka xariiqday inay weysay doorasho kale oo aan ka ahayn inay wada iibsato si ay nafteeda u badbaadsato!

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments