MUQDISHO (HN) — Sannad kasta buuralayda Vilcanota ee dalka Peru waxaa la arkaa biyo dhiig u eg oo uu sido webiga kaas oo ku shubma dooxada Cusco oo 100 kilometer u jirta magaalada mnadaxda. Wuxuu u dhow yahay buurta Palcoyo Rainbow. Dadka deegaanka waxay webigan ugu yeeraan Palquella Pucamayu. Wuxuu sii qulqulayaa shan kilomitir kahor inta uusan kusii milmin ama darmin webiyada kale. Wuxuuna yeeshaa midab dhiigga u eg oo aad guduud u ah. Xilliyada deyrta ee bilaha (December – April) ayaa badanaa la arkaa muuqaalkan.
Wuxuu webigan noqday goob dalxiiseed dadku ay u yimaadaan si ay ugu raaxaystaan daawashadiisa.
You must log in to post a comment.