crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Jaamacadda Georgetown oo Masjid u sameysay Ardaydeeda.. | HimiloNetwork

Jaamacadda Georgetown oo Masjid u sameysay Ardaydeeda..

MUQDISHO (HN) — Jaamacadda Georgetown ayaa noqotay midii koowaad oo ardaydeeda Muslimiinta ah u sameysa goob ay ku tukadaan oo loogu diyaariyay weysa-qaadka. Mashruuca dhismaha goobta yar ee Masjidka ayaa soo idlaaday sannadkan taniyo markii lasoo bilaabay 2019-ka.

“Dhismaha Masjidka waa qeyb kamid ah hadafkeenna ku aadan qiimeynta iyo u dabaal-degidda kala duwanaanshiyaheenna,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay jaamacadda.

Waxaa la filayaa in Masjidku noqdo goob kulmisa dadka kala caqiiqada oo ay isku dhaafsadaan aqoonta la xiriirta Islaamka iyo fikradaha sirgaxan oo aalaaba ay ka gudbiso warbaahinta Galbeedka.

Yarrow Mamout oo ahaa Muslim ku dhibtooday addoonsigii dadka madowga Muslimiinta ah loogu geystay Maraykanka ayaa loo bixiyay Masjidka. Waxaana Jaamacadda ay sidoo kale shaqaaleysiiyay Imam 24-ka saac heegan ah oo salaadaha ka bixiya Jamaacada.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!