MUQDISHO (HN) — Wiil arday Malaysian oo 22 jir ah ayaa guursaday 48 jir macalimadiisa ah waxaana sheekadiisu ay abuurtay hadalheyn.
Muhammad Danial Ahmad Ali, oo guursaday Jamilah Mohd wuxuu xiriirkoodu soo bilowday sannadkii 2016-ka oo ay macalin u ahayd. Wax xiriir jaceyl ah oo la yaqaan kama uusan dhaxeynin, in kasta oo Ahmed Ali xusuusan yahay sidii kalgacalka iyo naxariista badneyn oo macalimaddiisu ay uga soo dhawaysan jirtay kuwa kale.
Iska warqabkooda ayaa go’ay markii uu gaaray fasalka form 4, balse si kedis ah ayay mar kale u kulmeen maalin iyada oo ku jirta xafiiska maamulaha. Jaleecada dhexdooda ka beerantay maalintaas waxay qalbiga Muhammed qalbigiisa ku bidiyeen xoogaa jaceyl iyo rabitaan xooggan ah. Waxay sannadkaas usoo dirtay farriin ku aadan hambalyada dhalashadiisa waxaana intaas kaddib u bilowday haasaawe guud. Wax badanna kama soo wareegsan markii Muhammed uu jaceylkiisa u bandhigtay macalimadiisa Jamiila.
Nasiibdarro way ku gacanseyrtay jaceylkiisa sababta oo ah waxay fiirinaysay farqiga da’da 26-ka sannadood oo ay ka weyn tahay. Laakiin nafku jecel diiday kuma sama e, Maxamed wuxuu kusii adkeystay inuu ku guuleysto jaceylkiisa.
Diidmada joogtada ah ee Jamiila waxaa ka xoog batay jaceylka xad dhaafka ah ee Maxamed u qabay, ugu dambeyntiina wuu kusoo xero-geliyay. Iyaga oo la wadaagaya qoysaskooda xiriirka ka dhaxeeya, lammaanaha ayaa go’aansaday inay dadabgalaan sannadkii 2021-ka waxaase caqabad ku noqday faafitaanka xanuunka Covid-19. Waxaase si kastaba, ay maareeyeen inay kulan kooban oo ka dhacay Masjid isku dhex mehersadaan.
“Da’du waa un tiro,” ayay tiri. “Waxaana ku dadaalayaa inaan seygeeda u sameeyo wax walba oo marwo looga baahnaa.”
Jamiila ayaa seygeedii koowaad waxay kala tageen sannadkii 2007, waxayna taniyo markaas xoogga saaraysay shaqadeeda – iyada oo meel iska dhigtay jaceyl iyo xiriir guur oo dhan.
“Waa jireen dad badan oo damac iiga jiray laakiin fursad uma heli jirin,” ayay tiri. “Balse markii uu Maxamed iga badiyay noqnoqoshada waxaan arkay aniga oo jeclaanaya inaan la midoobo.”
“Ninkaygu waa qof aad iskugu kalsoon. Waa ka dhab waxa uu sameynayo. Mana isku dayin xattaa inuu xiriirkeenna ka qariyo reerkiisa. Waana sabab kamid ah asbaabaha ay ku oggolaaday guurkiisa,” ayay tiri 48 jirtan macalimadda ah.
Maxamed oo u shaqeeya shirkad biyaha ka shaqeysa, wuxuu ku faanaya inuu guursaday haweeneydii riyadiisa ahayd, mana kala jecla da’da aadka u badan ee labadooda u dhaxaysa.
You must log in to post a comment.