HomeSahankaWebiga ugu madow caalamka!

Webiga ugu madow caalamka!

MUQDISHO (HN) — Ruki, oo ah webi ku yaalla dalka Koongo waxaa dhawaan loo bixiyay webiga ugu madowga badan caalamka – maadaama biyihiisu ay aad u noqdeen madow aadan xattaa wejigaada ka dhex arki karin haddaad fiiriso!

Aad bayse seynisyahannadu iskugu maandhaafsan yihiin sababta ka dambeysa inuu madow noqdo! Qaar waxay dabeecadda deegaanka ku hareeran siinayaan sababta; in kale waxay ku celinayaan warshadaha macdan qoda ee dhinacyada uga yaalla kuwaas oo tanka biyo wasaqeysan oo xad dhaaf ah kusoo shubaya ugu yaraan maalin walba.

Dr Travis Drake, oo hoggaaminayay cilmi-baarista dhawaan lagu sameeyey – looguna bixiyay magaca webiga ugu madow caalamka – wuxuu ku sifeeyey shaaha duurka oo sabab u ah warshadaha wax soo saarka biyaha u adeegsaday inaysan kaliya u qaadan tamar ahaan balse webiga ka yeeshay barkulmis ay qashinkooda ku qubaan.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments