MUQDISHO (HN) — 40 jir kamid ah shaqaalaha nadaafadda ee magaalada San Luis Potosi, dalka Mexico ayaa dhintay xilli uu qashin saarayay gaariga kaddib markii ay ku fakatay xabad kasoo baxday afka qori ku dhex jiray qashinka oo aan la ogeyn.
Qoriga ayaa lagu soo dhex riday bacaha waaweyn ee qashinka; waxaana qashin-qaadaha uu damacsanaa inuu saaro gaariga si looga fogeeyo magaalada. Balse waxay ahayd naftiisa midda loo sagootiyo xabaalaha. Lama oga – kas iyo kama’ – midda ay ku timid. Balse dhacdadani ma ahan mid ugub ah.
Kol dhaweyd sidaan oo kale waxaa lasoo tebinayaa in mid kamid ah shaqaalaha nadaafadda oo qashin kasoo saaray meel gudo ah ay ku dhacday xabad uga soo dhex dustay qashinka.
Suurayso meel xattaa qashinka la qaadayo xattaa aad kala kulmi kartid halis dhimasho iyo dhaawac ah.
Mexico waxay kamid tahay meelaha ay dambiyada rayidka iyo burcadnimadu ay wax caadi ah ka noqotay.
You must log in to post a comment.