MUQDISHO (HN) — Qaar badan oo iyaga kamid ah, waxaa barida dhulka ugu dhiftay saboolnimo. Waana xubeer fara-maran. Waxaase ay ka faa’iidaan Mashruuca Quudi Baahana ‘feed the hungry’, waxaana ka qeyb noqda samafalayaal badan oo Muslimiin ah.
Daafaha iyo gudaha magaalada Cleveland ayay gaarsiiyeen cunnooyin bisil si ay uga faa’iidaan dadka gaajada la jiifa gidaarrada.
“Ka Muslim ahaan, kaalinteennu waa inaan haqabtirno keenna baahan iyo midka darbi-jiifka: waayo waa mas’uuliyad diimeed ina saaran in jaarkeenna aysan ku seexan gaajo – innaga oo dheregsan,” ayuu yiri Yamamah Rashid oo ah isku duwaha Mashruuca Quudi Baahanaha.
Mashruucan ayaa soo jireen ah taniyo sannadkii 2016, waana barnaamij lagu bari-taarayo dadka gaajoon ee qaarkood usii dheer tahay inay ku hoydaan darbiyada magaalada si looga haqabtiro baahida jiritaanka nololeed.
You must log in to post a comment.