crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Wax kabaro Geela | HimiloNetwork

Wax kabaro Geela

Muqdisho (Himilonews) – Xoolaha la dhaqdo kan ugu laxaadka weyn; wuxuu leeyahay sur aad u dheer, kurus ama laba kurus, addimo dheerdheer iyo cago balbalaaran; wuxuu muddo ka qadi karaa biyaha; waxtarkiisa kalana lama soo koobi karo; waa la rartaa, waa la fuulaa; waa la maalaa; hilib, subag, xuuko, harag laga sameysto lammooyin, kabo, abxado, kolayo, xarko, dhogor laga dhigto aqallo, bustayaal, dhar, kebdo, iwm.
Dadka dhaqashada Geela u go’a waxaa la yiraahdaa Geelley.
Geelu lamid ma ahan xoolaha kale ee ay Soomaalidu dhaqdaan. Geelu waa hantida ugu weyn ee Soomaalidu si gaar ah ugu faanaan marka lasoo hadal-qaado dhaqashada duunyada.
Cimrigiisu wuxuu gaaraa  inta u dhaxeysa 40-50 sanadood. Wuxuu dheer yahay ilaa iyo laba mitir. Halka uu culeyskiisu dhan yahay culaab u dhaxeysa 400 ilaa 600 kg. Wuxuu saacadiiba jari karaa xawaare dhan 65 km.
Sidkiisa waxaa loo shintiriyaa muddo dhan 15 bilood. Halka isla jaad kale oo kamid ah Geelana shinkiisu dhan yahay 13 bilood.
Labkiisa waxaa la yiraahdaa Rati ama Awr. Halka tiisa dhedigta ahna lagu magacaabo Hal. Qaalmaha yaryar ee Geela waxaa la yiraahdaa Aaran ama Qaan. Dhedigta yaryar ee Geela waxaa lagu magacaabaa Nirigyo. Halka lababka yaryarna lagu magacaabo Qurbacyo.
Orodka Geelu cagaha dhulka la dhaco waxaa lagu magacaabaa Baabaco ama Durduro. Neefka Geela ee dhedig oo goortuu ku curan lahaa aan ku curan waxaa la yiraahdaa Abeer ama Baatir.
Geela fakadka dhow ee aan wali tababaran waxaa lagu magacaabaa Buubaal. Xubinta Awrku ka kaadiyo waxaa la yiraahdaa Caar. Halka marka Ratiga la dhufaanana la yiraahdaa Koron.
Geela dhalmadu ku cusub tahay waxaa lagu magacaabaa Ramag.
Xero muggeed oo Geel ama Lo’ ah waxaa lagu magacaabaa Kadin. Ratiga aan layliga ahayn ama hebedka ahna waxaa la yiraahdaa Hayin.
Isu-tagga Awrka iyo Hasha waxaa la yiraahdaa Abaahi. Sida Hashu noqoto markay kudmo u baahan tahayna waxaa Abasax. Halka sida Awrku noqdo markuu qooqana lagu magacaabo Dhebidhisad. Ratiga geela lagu daro si uu u rimiyo oo aan la rarin ee baarkiisa qaba waxaa lagu magacaabaa Baarqab.
Hal-ku-dhiyadii laga yiri Geela waxaa kamid ah:
  1. Hal boolli ah Nirig xalaal ah madhasho.
  2. Hal aadan jerin ku jabisay.
  3. Gacal kala maqnaa iyo Geelu waysku ololaan.
  4. Rag iyo Geelba waa galgashaan.
  5. Hal Libaax arkaysaa ma godlato.
  6. Ratiga danbe Ratiga hore saanqaadkiisuu leeyahay.
  7. Awr awr wado iyo nimay naagi wadaba kaama haraan.
  8. Geelu laba jir soo wada mar.
  9. Ratii meeshiis maro, kan yarna furdug waaye.
  10. Hubsiino halbaa la siistaa.
  11. Nimay Hali kama maqan tahay Haan buu gacanta geliyaa.
  12. Gacmo geeljira hoosaa loo dhaqaa.
  13. Koronow guux iyo olol ha isku darin.
  14. Cimrigaada oo dheeraado Geel dhalaayo aas ku tusaa.
  15. Hashii sodon qatintaa, saddax kuma darsan waydo.
  16. Rati Koron ah Qaalmo ma dhalo.
  17. Geeljire Geela waa wada jirtaa, waana kala jirtaa.
  18. Aaran Geel nimaan lahayn kuma durduriyo.
  19. Geelu jinjin buu u daaqaa.
  20. Hal bacaad lagu lisay.
  21. Caleen Qurac calool geel ma buuxiso.
Qore: Zakariya Xasan ‘Hiraal’
Isha: http://himilonetwork.com://himilonetwork.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!