crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Wax kabaro Lo’da | HimiloNetwork

Wax kabaro Lo’da

Muqdisho (Himilonews) – Xoolaha dadku dhaqdo jaadadkiisa jaadka ugu waxtarka badan mid kamid ah oo cala-naqsata; waxay leedahay calool afar qeybood ah, geeso dhexda ka daloola iyo qoobab; qaarkeed tuur ayay leedahay; waxtarkeeda waxaa kamid ah; hilib, harag, caano, subag, waxyaabo la isku daweeyo iyo waxyaalo kale oo badan;  geeso, lafo, mergiyo, sayn, uus iwm oo mid kasta waxtar gaar ahi leeyahay. Dadka dhaqashadeeda ku gaaroobaa waxaa la yiraahdaa Lo’ley.
Labka waxaa la yiraahdaa Dibi; halka tan dhedigta ahna lagu magacaabo Sac. Qaalmaha yaryar ee Lo’da waxaa la yiraahdaa Aalo. Dhasha yaryarka ah ee Lo’da waxaa la dhahaa Weylo. Neefka Lo’da ee da’da yar oo korriimada hore ku jira waxaa la yiraahdaa Qaalin.
Dibiga marka la dhufaano waxaa lagu magacaabaa Senge. Injirta Lo’da waxaa lagu magacaabaa Qarandi. Biyadiidka xoolaha siiba Lo’da waxaa la yiraahdaa Balaf.
Cimrigeedu wuxuu gaara inta u dhaxeysa 18 -22 sanadood. Sidkeedana waxaa loo shintiriyaa 283 maalmood. Culeyskeeda waa culaab dhan labka oo ah 1,100 kg iyo dhedigta oo ah 720 kg.
Tira-koob la sameeyey ayaa lagu sheegay in 1.4 bilyan oo Lo’ ah ay dunida ku nool yihiin.
Hal-ku-dhigyadii laga yiri Lo’da waxaa kamid ah;
  1. Dabo Lo’aad ama xunbo ku jirtay, ama xaar ku jirtay.
  2. Lo’eey nimaan kuu aroori doonin yuusan usha kuu lulin.
  3. Tooro Lo’aad iyo talo naageed toona lama raaco.
  4. Weylo lo’aad looma aroorsho.
  5. Sac madow caanihiisa wixii caddeeyey cibaaro lee waayay.
  6. Ninkii seexdaa Siciis Dibi dhala.
  7. Suud nin maalay seexan waayee, sagaaraystiyo sac nin maalaa suu u nool yahay?
  8. Dibi bireey, Weyluhu ha quustaane.
  9. Addimo Lo’aad looma arooro.
Qore: Zakariya Xasan ‘Hiraal’
Isha: http://himilonetwork.com://himilonetwork.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!