crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Wax kabaro Ari-cadka | HimiloNetwork

Wax kabaro Ari-cadka

Muqdisho (Himilonews) – Ari-cadku waa xoolaha mid la bah ah Idaha. Labkiisa waxaa la yiraahdaa Orgi; halka tiisa dhedigta ahna lagu magacaabo Ri. Dhedigta aan geesaha lahayn ee Ari-cadka waxaa la yiraahdaa Seenyo ama Garoon. Dhasha Ari-cadka waxaa lagu magacaabaa Waxaro. Halka lagu xereeyo Waxaraha waxaa la yiraahdaa Edeg.
Cimrigeedu wuxuu gaaraa inta u dhaxeysa 15 ilaa 18 sanadood. Waxay qaan-gaaraanimada ku bilaabaan da’da u dhaxeysa 3 ilaa 15 bilood. Sidka Ari-cadka waxaa loo shintiriyaa 150 maalmood ama shan bilood. Waxayna dhashaa hal, laba ama saddax.
Culeyskoodu wuxuu u dhaxeeya culaab dhan 45 ilaa 54 kg. Waxay badi isku raacaan raxan raxan tiro u dhaxeysa 5 ilaa 20 xubnood. Dhirirkoodu waa 70 ilaa 120 cm. Orgiga marka la dhufaano ama xiniinyaha laga saaro waxaa lagu magacaabaa Sogob. Rida ugub ee aan wali curan waxaa loo yaqaan Ceesaan.
Marka loo eego hey’adda beeraha ee FAO, tirada Ari-cadka dunida ku nool waxaa lagu sheegay 924 malyuun.
Ari-cadku waa xoolihii ugu horreeyey ee Insaanku dhaqdo, sida lagu xusay taariikhda.
Hal-ku-dhiyada laga yiri waxaa kamid ah;
  1. Orgayga Oor noqon doona, Edegtaa laga gartaa.
  2. Waxar nimaan qaadin kama daba ci’do.
  3. Ri’ madow arigu waa ka dudaa, iyaduna waa ka daba dudaa.
  4. Ninba Ceesaantiisa ceel geysay.
Qore: Zakariya Xasan Hiraal.
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!