Wax kabaro Idaha
Posted by: Zakariya
in Deegaankeenna
December 7, 2016
2,715 Views
Muqdisho (Himilonews) – Iduhu waa labada fir ee Arigu u qeybsamo marka laga soot ago Riyaha; waxay leeyihiin dhogor badan; harag idiin laga dhigo iyo caano; waana cala-naqsataa.
Labka waxaa la yiraahdaa Wan; halka dhedigtana lagu magacaabo Lax. Dhasha yaryarka ah ee Idaha waxaa lagu magacaabaa Neylo ama Baraar. Neefka dhedig ee Idaha ah oo aan wali curan waxaa la yiraahdaa Sabeen. Wanka qoorka ah ee Idaha saara waxaa loo yaqaan Sumal.
Cimriga Idaha wuxuu u dhaxeeyaa 10-12 sanadood. Sidkeedana waxaa loo shintiriyaa 152 maalmood; ama shan bilood iyo laba beri. Culeyska Idaha wuxuu dhan yahay culaab dhan 45-160kg oo labka ah iyo dhedigta oo u dhaxeysa 45-100 kg.
Hal-ku-dhigyadii laga yiri Idaha waxaa kamid ah;
-
Laxu laba deyrood islama dool wayna.
-
Lax dhukan abaar moog.
-
Laxiba shilalkay is-dhigtaa lagu kala shilaystaa.
-
Warow waraad eeday, Wanowna baruur.
-
Sumal Idaad wuxuu naftiisa u waayay, Neylkiisa uma galo.
Qore: Zakariya Xasan Hiraal.
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
Related
2016-12-07
You must log in to post a comment.