crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sooyaalka Wardhiigleey iyo doorkii Shirbaa Shariif Cawaale Golcadde | HimiloNetwork

Sooyaalka Wardhiigleey iyo doorkii Shirbaa Shariif Cawaale Golcadde

Wardhiigleey, Muqdisho (Himilonews) – Meel dheer ayaan ka arkay isagoo salaadda Casir masjidka kusoo dukaday ka hor intaan madal kula ballamin. Wuxuu u muuqday gaban weli xooggiisa qaba. Walow da’du ay daba eryanayso, hadana noloshiisii u badneyd miyi-joogga iyo adkaysigii hayaanka dheeraa ee uu kusoo dhaqay duunyadiisa ayaa ka dhigtay nin wali carcarkiisi qaba.  “Maxaad ugu shirbin degmadii aad mar u shirbi jirtay” ayaan weydiiyay.  “Waxaan filayaa inaan magaceedii meel sare dhigay.”
Wardhiigleey wazaarad waaye, inta kalana wakaalad waaye!!
Degmada aan ka hadlayo waa Wardhiigleey. Ninka aan lahadlaayana waa Shirbaagii weynaa  Shariif Cawaale Golcadde oo 1950 markii uu ku dhashay tuulada Burdheer ee duleedka Deyniile ee gobolka Banaadir ilaa caruurnimadiisa ku indha-qaaday nolosha keynaanka iyo diihaalka leh ee miyiga. Sida dadka caadiga ayuu u labbisnaa. Kamana garan kartid shaqsiyadiisa gaarka ah inuu yahay shirbaagii hirgaliyay hal ku dhigii caan baxay ee Wardhiigleey wasaarad waaye inta kalana wakaalada waaye”.   “sidee ayuu hal ku dhigan ku baxay?” ayaan anigoo soo jiidanaya kursi agtiisa u dhow weydiiyay. “Ma waxay kaaga dhigneyd wax walba mise wax goonni ah?”  “Waxaynu ahayn dhalintii dhulka. Dad la dhowri jiray. Kuwo laga dhursugo,” ayuu si mohasho ku jirto iigu jawaabay. Wuxuu bilaabay inuu gocdo xilligii gaashaan-qaadnimadiisa, waayihii uu kamid ahaa barbaarta gaashaaman. Wuxuu gocanayay siday ahayd maalmihii uu usoo ban-baxi jiray golayaasha lagu tartamo. Xilliyadii fantasiyaha ee Venti Uno Octobar isaga oo ku xardhan dharkii hiddaha iyo dhaqanka.
Ka hor inta uusan isku golaadin su’aalahayga ayuu sheeko furan iigu baaqay. Isago afartiisa dhinac eegaya ayuu bilaabay inuu iiga warramo sida markuu gabanka ahaa uu xaafaddan ugu noolaa, iyadoo Obosiib u badan. Markii ugu horeysay ee uu kusoo dagay degmada Boondheere halkaas oo uu rug iyo reerba ku yagleelay; deedna uu uga soo wareegay nagaadigiisa hadda ee Ex- wardhiigleey. Waqtiyadii adkaa, maalmihii is-biirsaday oo ay adkeyd in gaadiidka gurmadka iyo kuwa dab-damiskuba ay kusoo galaan degmada si ay kalkaal u fidiyaan. Dharaarihii hinaaska iyo qeyla-dhaansiga. Habeennadii uu ku fakiri jiray sida taliska loogu muujin lahaa dib-u-dhaca degmada iyo sida wali daryeelkii ay mudneyd aan loogu haliilin.
Waaberi waddooyinkeeda, Wardhiigleey maxay ku weysay?!
“Curashadii kacaanka,”  intuu yiri ayuu cabbaar aamusay; aamusnaan dheer oo qof haduu sakiin u qaato uu kala jari karay. “Xilli u dhow waqtigii OHRM la hir-galin rabay ayaa waxaa booqasho inoogu yimid guddoonkii Gobolka oo kormeere ah. Wuxuu indha-indhaynayay saha degmada. Hadii aan qaldaneyn guddoonka gobolku wuxuu ahaa Xasan Abshir Faarax,” ayuu ku hakaday isagoo dabeyl dhabatay sanka la raacaya. “Maalintaas waxaan ku hammin jiray qeyb kamida ayaan xaqiijiyay.” “Maxay ahayd wixii aad ku hammin jirtay oo aad xaqiijisay,” ayaan si xashaash iyo xiiso ku jirto u weydiiyay anigoo qalinka kusii gujinaya buugga.
“Runtii degmada Wardhiigleey waxay ahayd degmada ugu abaabul, ol’ole iyo isku soo bax fiican markay timaado in maamuus, madal ama madax la soo dhawaynayo,” ayuu ku tiraabay isaga oo garkiisa isla siman salaaxaya. “Qiimeynta ay u muujiyaan taliska degmada ururrada bulshada rayidka ah siiba barbaarta gaashaaman oo aan ka tirsanaa ayaa sal-dhig u ahayd horumarrada ay degmooyinku ku kala tagsanaan jireen” ayuu ku naalooday. “Laakiin maxay ahayd dhanbaalkii aad u gudbisay kormeerkii idin soo booqday berrigaas?” ayaan si hanqal-taag ku jirto mar labaad u weydiiyay.

“Kaliya waxaan ka shirbay baahidii degmada” ayuu si hibasho ku jirto igu yiri. “Waxaan ku shirbay Waaberi wadooyinkeeda Wardhiigleey maxay ku weysay” ayuu cod xabeebsan  oo hinraagnimo ku jirto si qiiro leh hadana iigu dhiibay isaga oo jeedaalo xeeldheer ku eegaya afarta doc ee degmadii Wardhiigleey. Soohdimaheeda kasoo bilowda Tiyaatarka Qaranka dhanka waqooyi ilaa laga gaaro waaxda dhul-bixinta oo koofur uga tusmeysan.  Jidka dheer ee Ganaraal Daa’uud oo soohdin bari ka dhigan ilaa laga yimaado Wadada Aadan Cadde oo  soohdin galbeed uga tusmeysan. Taas oo ka dhigaysa mid kamida degmooyinka ugu weyn gobolka Banaadir. Balaarnimadeeda kasokow, barta ay ku taallo iyo baaxaad daggeeda ayuu ku sheegay inay kamid tahay meelaha il-qabadka leh ee Magaalada. Madaxtooyada qaranka, golaha shacabka, Allayda, 15 may, tiyaarka, wasaarada ganacsiga iyo warshadaha, wasaarada warfaafinta, shineemo Xaawo Taako, safaaradii Jabuuti, garoonka Muqdisho stadium, Xaruntii Xisbiga, waaxdii dhul bixinta, saraha if iyo aakhiro, dugsiyada Maxamuud Xarbi iyo Webi Shabeelle, Garoonka dowlada hoose ee Minicipio, xaruntii keydka cuntada ee Enji, laantii bankiga dhexe, laantii boostada iyo isgaarsiinta, suuqyadii Siinaay, Xararyaale iyo Xamar-jadiid,  hoteelladii Daameey iyo Haatfuul, Xaruntii ubaxa Kacaanka, masaajidii Cabdalla-cawareero, Xararyaale, Shiikh Cabdi  iyo ceelkii iyo masjidkii Xaaji Cali Dheere, Xaruntii Cuuryaamiinta iyo xarumo kale oo badan oo caan ah isuguna jira dan guudnimo iyo dan gaarnimo ayaa ku yaalla degmada Wardhiigleey ayuu cod sii go’aya iigu tibaaxay. Kadib maansadii Waaberi waddooyinkeeda, Wardhiigleey maxay ku weysay ayuu ku sheegay in dowladu  milicsi gooni ah iyo maamuus gaar ah bilowday inay siiso.
Marka aan dib ugusoo laabto maansooyinkii kale ee uu tiriyay Shirbaa Shariif Cawaale Golcadde, isku si uguma wada dhadhamayn balse mid iyo labo ayun baa lubbigiisa ku dheeraa. Waxaana hubaal ah in shiribkii Wardhiigleey wasaarad waaye, inta kalana wakaalad waaye uu ahaa jeexa midig ee laabtiisa halka shiribkii Waaberi wadooyinkeeda, Wardhiigleey maxay ku weysayna uu ahaa jeexa bidix ee cindigiisa. Dhamaan tixooyin kale oo uu tiriyay ayaa jiray. Kuwa gacaltooyo, godobtir, guubaabo, garnaqsi iyo guryo-samo isugu jira. Hadana, gebigood saameyn dhumuc leh oo ay ku reebeen majirto. Dabcan jiritaanka  hal-qabsiga hir-galay oo ay labadan shirib bulshada kaga tageen ayaa qalbigiisa ku foofay kuna fadhiid noqon doonaa inta uu ifka marti ku yahay.
Dhugsanaanta qotada dheer iyo howraarta isku duba dhacsan oo uu ku cabbiri jiray maansooyinkiisa ayuu marmar farta dartaa, walow maanta uu howlgab ka noqday fanka iyo fackaalnimadiisa. Xilli horana uu ka fariistay fagaaraha fanka.
Kasokow hal abuurnimadiisi fannimo, Shariif Cawaale, sida laga dhadhansan karo wajigiisa, wuxuu u buseelay barisamaadkii iyo barbaartii uu lasoo dhiig, dhidid iyo dheef wadaagay. isaga oo tilmaamay in rajadii, riyadii iyo raadkii noloshiisaba ay mahadho qurxoon kaga tageen kuwii ku jaalka iyo jaarka ahaa.
Inkasta oo ay badi madheen hal-abuurradii hore, hadana, Shariif Cawaale Golcadde, wuxuu quudarreynayaa inaan marnaba laga waayin Hal-abuurka Ummada rag heegan ah oo maansooleey ah. “Geel iyo ragba xul lagama waayo,” ayuu taladiisa fannimo kusoo af-jaray isaga oo dhoolla-cadeynaya.  “Markuu mid iishaba, ku kale ayaa soo if baxa.”
“Waxaan qirayaa in dadnimo iyo dabuubba dadkiinni hore laga soo gaaray,” ayaan aniga oo si adag u liqaya hadalka ugu war-celiyay iskuna dayaya inaan qayaxo hadallada fariidnimo ee xambaarsan dareenka Daljaceylnimo iyo wadannimo ee kasoo maaxanaya dubaaqiisa.
Waase dow u furan hal-abuurrada iyo hoggaanka ummada inay fanka qiimihiisii dib u qalqaaliyaan. Halka kuwo Shariif Cawaale la mid ahna ay ummada ka sugayaan cid mar un uga mahad celisa hal-abuurnimadooda. Inkasta oo ay tahay bar-kuma-taal aan bulshada looga baran inay hal-doorradooda buun-buuniyaan sida ay Shisheeyahaba faan iyo bogaadin isugu daraan.
Isha: Himilonews.com
Ceyduruus Maxamuud Iimaan.
Madaxa Barnaamijyada Somnews TV.
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!