Sucuudiga oo casuumaya ardaygii Muslimka ahaa

Jeddah – U rumeynta mid kamid ah riyooyinka uu ku hamin jiray wiilka 14-jirka ee reer Suudaan kaas oo Aqalka Cad lagu casuumay kadib hal-abuurkiisii ahaa saacad guri-ku-sameys ah, Dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay in riyadiisa ah inuu usoo cimreysto Xajka ay u fududeyn doonaan.
Baaqa waxaa soo dhaweeyey bulshada reer Suudaan ee ku nool Boqortooyada Sucuudiga.
“Waynu qiimeynaynaa go’aanka Boqortooyada. Waxaanu u wada haliilaynaa koru-qaadista heybadda ardaygan,”Awad Qarshom oo ah guddoomiyaha Jaaliyadda reer Suudaan ee Sucuudiga ayaa u sheegay Arab News.
“Waxaan kale oo aan isku dayi doonaan inaan kala kaashano qunsuliyadda Suudaan ee Sucuudiga inay xaflad gaar ah u sameeyaan Ahmed.”
Gudashadiisa Cumrada wuxuu ku darsan doonaa fasax uu ku aadayo Jeddah halkaas oo xigtadiisu ay ku nool yihiin inta uu ku jiro booqashadiisa Sucuudiga.
Isha: Himilonews.com.
Zakariya Hassan “Hiraal.”
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!