Bajaajley: RIBIX iyo RAGAAD isku raran
Posted by: Zakariya
in Wararka
October 8, 2015
976 Views
Wadajir, Mogadishu – Kahor inta aan magaalada lasoo galin Bajaajta, Maxamed Shire wuxuu shaqooyin ku meel-gaar ah oo aan joogto ahayn ku maareyn jiray noloshiisa maalin-laha ah isaga oo hadba wixii uu heli karo maalintiisa ku qaadan jiray. Hadda wuxuu nolol-maalmeedkiisa ka raadiyaa wadista Bajaajta taas oo ah mooto saddex-lugooley ah oo qaadi karta saddex illaa afar qofood mar qura; kuna socdaali karta jidadka engegan iyo laamiyada.
Wiilasha Soomaaliyeed ee da’yarta danyarta ah sida Shire ayaa u badan wadista mooto Bajaajta taas oo ah xirfad shaqo-abuureed loo riyaaqay oo dhalinyaro badan nolol-maalmeedkooda ay ka dabartaan. Waana inta yar ee ka hartay fursadaha shaqo ee ka jira dalka dhaqaalihiisu gebi-dhacleynayo ee Soomaaliya.
-Raran iyo Reer dhaqasho-
Wax-yar dabadeed markuu waagu dillaaco, Shire wuxuu wadada kusoo galaa dhugdhugleydiisa Bajaajta loo yaqaan. Wuxuu, isaga oo xilli hore oo habeenkii ah shidaalka kusii shubtay, Bajaajtiisa kula soo hiiraystaa waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho.
Wadista Bajaajta inta u dhaxeysa waaberiga ilaa gabbal-dhaca, Shire shaqadiisu ma ahan, dhaqaale ahaan, mid seere lagu tashan karo ku jaan-go’an. Wuxuu maalinkii kasoo xereystaa wax ku dhow 25$ celcelis ahaan taas oo ah lacag aad uga badan meel dadku ay ku nool yihiin wax ka yar hal doolar maalintii. Hayeeshe, waxa jeebkiisu ugu dhaca marka laga yimaado qarashka shidaalka iyo kirada, waa wax ku dhow 15$ celcelis ahaan maalintii. Balse kasokow dhaqaalo sameynteeda, waa howl sahay u ah dhaawac, dhac ama dhimasho kadis ah.
Shilku waa lagama fursaan. Hadana, Shire iyo kuwa lamidka ah waxay wax ka qaayo weyn dhacdooyinkan naftooda ugu huraan si ay noloshooda ugu filnaadaan.
“Hadday noloshayda kaafin karto, waa mahuraan inaan ku noolaado wadisteeda,” ayuu yiri Shire oo 25-jir ah kaas oo aqal-galay laba bil kahor. “Muhiimadu waa sidaad ku maareyn karto noloshaada. Tanina waa si kamid ah siyaalaha lagu maareeyo nolosha.”
Shire nasiib uma yeelan inuu kamid noqdo dadkii la kowsaday wadista Bajaajta markii ugu horreysay ee lasoo galiyo caasimadda Muqdisho. Wuxuu Bajaajta wadaa wax ka yar sanad iyo bar. Taas oo ka dhigan inaanu hadana aad ugu qadin macaashkeeda. Waayo Shire muddo laga joogo sanad iyo dheeraad oo uu waday Bajaajta, wuxuu awooday inuu ka guursado keydka uu ka dhurtay wadisteeda. Guurkiisa kadib, Shire sida uu tilmaamay wuxuu run ka dhigay riyo kamid ah riyooyinka noloshiisa. Isaga oo ku biiray kumaakunka dhalin-yarada ah ee noloshooda ku maareeyey shaqo-abuurrada dhif-dhifka ah.
Shire wuxuu sheegay inuusan ku arag wax is-badal ah safarkiisii dheeraa ee doobnimada iyo anba-qaadka noloshiisa cusub ee seynimada. “Qof wuxuu cuni karo labana way wada cuni kartaa,” ayuu yiri Shire isaga oo ciirada culus ee la saaray yagleelista guri iyo agaagumista guur lagu nagaado caadka ka rogaya. “Nolosha waa la raadiya ee lama helo. Waa inaad ku guuleysataa hal-qabsiga nolosha guurka.”
Bajaajta ayaa waxaa la keenaa iyada oo qalabyo ah. Dabadeedna waxaa isku rakiba farsama-yaqaano Soomaaliyeed. Markaas kadib ayaa suuqa loo iib-geeyaa. Bilowgii hore, Bajaajtu waxay ahayd hal nuuc oo kaliya. Balse baahida isasoo taraysa awgeed, waxaa la keenay Bajaajyo dhowr kala jaad ah. Qiima ahaan way ku kala tagsan yihiin; iyada oo laga fiirinayo tayada iyo tirada ay qaadi karto mar qura. Bajaajta ugu yar waxaa la iibiyaa inta u dhaxeysa 3000$-3200. Halka Bajaajta ugu badan qiima ahaan, la iibiyo wax u dhaxeeya 4000$–5000$ iyo wax ka badan. Wallow suuqa ay qiima aad uga hooseeya midka hadda ay joogto lagu iibin jiray. Tani waxaa loo aanaynayaa baahida iyo ku-tiirsanaanta xad dhaafka ah ee Bajaajta.
Balse Shire waa mid kamid ah boqollaalka dhalinyarada Bajaajleyda ah kuwaas oo kiro ahaan ku bixiya si maalinle ah gunnada ay kusoo shaqeeyaan kuwaas oo awoodi waayay inay iibsadaan Bajaaj iyaga u gaar ah.
-Raasamaal iyo Rogaal-celis-
Halka Shire iyo kuwo lamid ah ay awoodeen kaliya inay noloshooda ku maareeyaan wadista Bajaajta, dad babdan sida, Boostaale, wuxuu ka sameeyey raasamaal badan oo uu ka macaashay Bajaajta. Wuxuu kamid ahaa darawaladii Bajaajta kusoo if-baxay. Dhowr iyo labaatan bilood kahor, Boostaale, wuxuu maalinkii kasoo xereyn jiray wadista Bajaajta macaash gaaraya 100$ celcelis ahaan. Wuxuu awooday inuu ka iibsado Bajaajyo badan iyo inuu in badan oo kaabayaasha noloshiisa caadiga ah ku agaasimo. Kadib laba sano iyo bar oo uu dadaal dheer ku bixiyay wax-ka-soo saarkeeda, hadda wuxuu ku raaxeystaa gurashada miraheeda. Waxaana u shaqeeya dhowr Bajaaj.
Dadaalka dheer ee uu ku kasbaday raasamaalkan kasokow, Boostaale, wuxuu shaqo u abuuray dhalinyaro badan oo xigatadiisa ah. Mar kasta oo uu dib-u-gocdo halgankiisii koobnaa balse adkaa ee uu guul kaga soo hooyay is-badalka noloshiisa, wuxuu ku muudsadaa xusuusteeda.
Ma ahan oo kaliya wiilasha Caasimadda kuwa ka macaashay wadista Bajaajta. Waxaa jira magaalooyin badan oo koofurta, bartamaha iyo waqooyiga Soomaaliya ku yaal kuwaas oo fursad shaqa-abuurnimo ka helay wadista Bajaajta. Dhalin-yaro badan oo ku nool magaalooyinka Beydhabo, Baladweyne, Kismaayo, Gaalkacyo iyo Boosaaso ayaa si lamid ah Shire iyo Boostaale, waxay tebiyaan dhaxalka sheekooyinka ku saabsan wixii ay ka kasbadeen wadista Bajaajta.
Inkasta oo ay waxoogaa kaga yara danbeeyeen helidda Bajaajta gudaha Muqdisho, hadana badi waxay isku raacsan yihiin in kaalin dhan oo noloshooda ka maqneyd ay bajaajyadu buuxiyeen.
-Ragaad iyo Hab-raac la’aan-
La-qabsiga wadista Bajaajyada waa hayaan ku dhashay halgan adag oo lala soo galay dhowr shirkadood oo Taksiileey ahaa kuwaas oo suuqa kaga soo horreeyey Bajaajleyda oo markii danbe suuqa uga baxay si fudud. Muqdisho iyo City Taxi oo ahaa labadii shirkadood ee ugu horreeyey keenista taksiyo ayaa lagdan kooban kadib waxay ku lumiyeen macmiil badan dhinaca Bajaajleyda. Halka Banadir, Xamar, Hellow taksi iyo kuwo badan ay si fudud suuqa uga baxeen. Hadda kaliya in-kooban oo macmiishooda ah iyo dad fara-ku-tiris ah oo gegida duyuuradaha kasoo daga ayaa kireysta taksiyada.
Hayeeshe, waa xadid la’aanta iyo dajinta shax-dhaqaaleed isku dheelli-tira nidaamka dhaqan-dhaqaale ee ganacsiga Soomaaliya, waxa nadoocinaya hanaan-socodka nololeed ee dhaqaalaha qof walba.
Magaalada Muqdisho waxaa hadda ka shaqeeya wax ka badan 5000 oo Bajaaj taas oo laba jibbaar ka badan tiradii joogtay laba sano kahor. Aqoon-yahanno badan, sida Axmed Noor Xasan Shiikh Cali, oo bartay culuumta dhaqaalaha iyo bangiyada, waxay ka deyrinayaan xadid la’aanta taagan—ee ah isku dheelli-tir la’aanta dadka iyo danta—inay goldaloollo badan ku keeni doonto anshaxa dhaqaaleed “Ethics of socio-ecnomic” ee ganacsiga Soomaaliya.
“Haddaan la helin xeerar iyo anshax sugan oo lagu hoggaansho ilaha dhaqaale ee fursadaha jira, ganacsiga Soomaaliya wuxuu noqon doonaa mid marin habaaba,” ayuu ugu sheegay qadka Skype-ka Shiikh Cali isaga oo ku sugan Hindiya mareegta Himilonews.com.
“Waa in la qiimeeyo saamiga suuqa. Macnahaygu waa in la isku jaan-gooyo dadka iyo danta. Haddii kale waxaa lumaya hanaan-socodka dhaqaaleed ee dalka.”
Faallada Axmed Noor waxay daba-socotaa xal loo la’yahay xadidista iyo isku dheelli-tirka baahida dadka iyo inta danahooda ku filan. Si loo helo ganacsi dhaqaale oo sugan oo aan suuqyada gilgilin, waa in la helo tiro Bajaaj ah oo ku beegan tirada dadka taagan heerka dhexe ee nolosha kuwaas oo si isku jaango’an u kala faa’iideysan kara. Haddii kale, danley badan sida Taksiileydii hore iyo kuwa maanta, waxaa ragaadin doona hal-beeg la’aanta jirta.
Si kastaba, dadka gudaha caasimadda ku nool sida Liibaan, waxay rumeysan yihiin helidda Bajaaj badan inay buuxisay isku tiirsanaanta door ahaaneed ee danyar badan.
“Kasbigu waa dheef. Tilmaantaas ah in la helo wax nolosheenna hoose kaafiyana, iyaduna ma xuma. Waan ka mahad-naqaynaa kaalinta Bajaajleyda.”
Isha: Himilonews.com.
Zakariya Hassan “Hiraal.”
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
Related
2015-10-08
You must log in to post a comment.