Erey-bixinta DUUR-JOOGTA iyo Soomaalida!!

Qeybtii 2aad;
Halka dunidu ay ilaalinayso xaq-dhowrka iyo xurmada noolaha ku nool duurka; daaq iyo duunyaba “flora and fauna”, Soomaaliya waxay hanteedii Duur-joogta ku luminaysaa inay disho; dagaagto; ama uu dal shisheeye xaalufsado.
Dhibta Duur-joogta lagu hayo waxaa ugu weyn; gumaad lagu wado har iyo habeen, burburka hab-nololeedka deegaan, dib-u-dhaca kusii imanaya tarantooda kol hadii aanay helin karantiil iyo kalkaalo iyo xaaluf dibadeed ba’an oo lagu hayo DUUR-JOOGTEENNA.
Nabaad-guurinta deegaan ee ah jarista geedaha iyo gubista dhamacda iyo dhirta; si loo helo dhuxul la dhoofsado ama alwaax guryo lagu dhisto—iyadoo taas badalkeeda uusan jirin fal-celin ku aadan arrintaas ayaa ah caqabadda ugu weyn ee ay Duur-joogteennu eersanayso.
Nabaad-guurintu waxay lahan qarsoon oo cudur reebay ku noqotay qalbiyada ugaarta iyo dugaagta; kol hadii gabaadkii iyo hoyaadkii ay ku jireen la afjarayo—cagaarkii iyo cabkii ay calafsan jireenne la idleynayo. Taasna waxay sababtay inay irdhoobaan oo dalalka deriska ah ku dagaagaan ama ayba dabargo’aan.
Hadaba, caanay daatayba dabadood laqabaye; miyaanay ahayn waqtigii aynu Duur-joogteenna ka fikiri lahayn oo beri siday nagu ahaan jireen maanta aan ka yeelno?!
Xigasho–buuggga Duurjoogteenna oo uu qoray Zakariya Hassan Hiraal.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!