crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Wax kabaro Digaagta | HimiloNetwork

Wax kabaro Digaagta

Muqdisho (Himilonews) – Shinbiro inta badan dab-joog ah oo aan dhab u duulin; oo midabo kala duwan leh; diyaad, dooro; ama shinbirluki. Labkiisa waxaa la yiraahdaa Diiq; tan dhedigta ahna waxaa lagu magacaabaa Digaagad.
Yaryarka digaaga waxaa la yiraahdaa Jiijiil. Midda aan wali curan waxaa la yiraahdaa Boojaal. Dul-fariisadka shinbiruhu ay ugxantooda ku dul-fariistaan ooy u kululeeyaan taniyo inta ay ka dilaacayaan waxaa la yiraahdaa Cuq. Xilli huuriska ukunta wuxuu u dhaxeeya 20-21 maalmood.
Abuurka layaabka leh ee Digaagtu Ilaahay ku khalqay waxaa kamid ah iyada oo kala sooci karta wajiyada boqol qofood ama xayawaan oo kala duwan, taas oo ah inay leeyihiin maskax wayn. Waxay u riyoodaa sida Aadmiga maray hurdaan. Wayna isku baroor-diiqaan. Dhawaaq kasta oo ay dhawaaqaan wuxuu u leeyahay ama u taagan yahay micno iyo ujeeddo gaar ah.
Waa shinbirta ugu tirada badan ee ifka ku nool oo ka badan 25 bilyan. Dhedigtu waxay sanadkiiba ku dul-fariisan kataa 300 oo ugxamo ah.
Cimri-dhererkoodu wuxuu u dhaxeeyaa 5-10 sanadood. Tii ugu cimri-dheereyd waxaa istaagay wadnaha iyada oo jirta 16-sanadood taariikhda lahayo.
Hal-ku-dhigyadii laga yiri Doorada waxaa kamid ah;
  1. Dooro saxaro waa cuntaa, af-tirashayse is dheer tahay.
  2. Dooro qoor-qabad biyo kuma cabto.
  3. Dooradaada iga cesho, dagaal bilowgiisa waaye.
Isha: http://himilonetwork.com://himilonetwork.com
Xiriir: Himiloews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!