Saameynta daaciga la isku maan-dhaafay – Dr. Zaki Naik
Posted by: Zakariya
in Dunida Muslimka
December 15, 2016
567 Views
Mumbai (Himilonews) – Dugsiga diiniga ah ee Zakir Naik’s Islamic International School, oo ku yaalla meel ciriiri badan oo Mumbai katirsan waxaa dhacda inaadan si fiican u dhugan – jiritaanka geedo dheerdheer iyo gidaar ku gadaaman darbigiisa.
In kasta oo gabdhaha iyo wiilasha ay halkan wax ku wada bartaan, hadana iskuma dhex darsana.
Fasallada dabaqadda hoose waxaa ku jira gabdhaha iyaga oo xiran xijaabyo madow ah – iyo wiilasha oo saaran isasaarka saddaxaad ee ka sarreeya iyaga oo sidoo kale ku labisan khamiis iyo koofiyado.
Dugsiga oo hadda xiran waxaa loogu dowgalay in lagu soo saaro jiil yaqaanna sida dacwada Islaamka loo gudan karo – iyaga oo sidoo kale baranaya culuumta Islaamka iyo maadiga oo laga soo amaahsanayo manhajka Cambridge.
Mr. Naik waxaa marar badan lagu tilmaamay mid si xagjiran u faafiya diintiisa Islaamka.
Wuxuu mar kasta diidaa inuu hoggaamiyihii al-Qaacidda, Usaama bin Laden uu ku tilmaamo mid galay gaboodfal aadminimo laguna magacaabo argagaxiye – isaga oo si lamid ah u diidan in 9/11 ay aheyd howl ku lug leh sida Reer Galbeedku ku sheegeen.
Si kastaba, qudbadihiisa waxaa lagu gudbiyaa af Ingiriis – isaga oo ku labisan koor, surwaal iyo shaati. Wuxuuna leeyahay taageerayaal badan.
Wuxuu marar dhowr ah u duulay Afrika, Bariga Dhexe – isaga oo jeedinaya khudbado ay isugu soo baxaan kumaakun dad ah oo ay ku jiraan madax dowladeed iyo dad caan ah.
Waxaa kale oo la rumeysan yahay inuu taageero badan ku leeyahay Pakistan, Malaysia, Gacanka Carbeed, Afrika iyo Induniisiya.
Saameyntiisana waa mid la xusi karo.
Wuxuu dhawaanahan ku nool yahay Bariga Dhexe si magangalyo-nimo ah kadib kolkii lagu eedeeyey inuu abaabulay qarixii ka dhacay caasimadda Dhakka ee Bangladesh.
Dowladda Hindiya ayaa marar badan weydiisay inuu soo laabto si uu baaritaanka qeyb uga qaato.
Naik ayaa aaminsan in faafinta iyo gudbinta farriinta Islaamka ay tahay waajib qof kasta oo Muslim ah looga baahan yahay.
Safarkiisa uu ku noqday daaciyada ugu waaweyn dunida Muslimka waxaa usii dheer inuu aas-aase ka yahay fogaan-aragga Islaamiga ah ee lagu magacaabo Peace TV kaas oo laga mamnuucay gudaha dalka Bangladesh iyo sidoo kale Ururka Cilmi-baarista Islaamka ee IRF sanadkii 1991.
Wuxuu ku dhashay Dongri sanadkii 1965-kii oo ah goob ay ku badan yihiin Muslimiinta oo ku taalla Mumbai.
Aabihiis oo dhawaan dhintay wuxuu sidoo kale ahaa dhaqtar iyo caalim Islaami ah.
Tiiyoo dad qaar oo mr. Zaki Naik ka garab shaqeyn jiray oo hadda ka ruqsaystay shaqadiisa aysan la dhicin hannaanka qaar ee uu wax ku tabiyo, hadana waxay qalad iyo gaboodfal u arkaan in laga mamnuuco Hindiya ama dugsiyada uu bud-dhigay lagala laabto sharciga aqoonsiyadooda.
Sidoo kale, taageerayaasha Naik ayaa aaminsan in haddii uu kusoo laabto Hindiya la xiri karo. Wuxuuse awooda inuu kor kala socdo howlaha dugsiyadiisa kuwaas oo saameyn ballaaran ku sameynaya jiilal dhan oo Muslimiin ah inay u fakiraan una khudbeeyaan sidiisa oo kale.
Isha: http://himilonetwork.com://himilonetwork.com
Zakariya Xasan Hiraal.
Xiriir: Himilonews@gmail.com
Related
2016-12-15
You must log in to post a comment.