Masar oo 10,000 oo dameer u dhoofinaysa Shiinaha
Posted by: Zakariya
in Wararka
December 15, 2016
651 Views
Qahira (Himilonews) – Ibrahim Mahrous, madaxa waaxda xanaanada xoolaha ee wasaaradda beeraha Masar ayaa rumeeyey haddallo ku-tiri-ku-teen ahaa oo ku saabsan oo dameeraha ku nool dalkaasi loo dhoofin doono dalka Shiinaha, kadib heshiis ganacsi, marka loo eego al-Carabiya.
Masar ayaa balanqaaday inay dhoofiso 10,000 oo dameerro ah iyada oo laga eegayo si waafaqsan shareecada. Shiinaha ayaa qaba baahida dameerro yaraan oo ay rabaan inay u adeegsadaan dawaynta cudurro dhowr ah oo dhibaato ku haya dalkaasi oo dameeruhu u yihiin lama huraan.
Masar ayaa sidoo kale tix-gelinaysa inay heshiis la sameyso Kuuriya oo ku saabsan dhoofinta Eeyaha in kasta oo aan si rasmi ah loo shaacin.
Isha: http://himilonetwork.com://himilonetwork.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
Related
2016-12-15
You must log in to post a comment.