crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Marka uu Gerigu boodo Farowga! | HimiloNetwork

Marka uu Gerigu boodo Farowga!

Muqdisho (Himiloews) – Sawirka kuu muuqda – wali ma is-weydiisay haddii ay is boodi karaan Geri iyo Farow? Sidee ayuuse u ekaan karaa ilmaha ka dhex-beerma? Waa maxayse magaca aad u bixin laheyd?
Jawaabta ilaa hadda lama tilmaami karo. Xayawaanka kuu muuqda waxaa la yiraahdaa Okapi waxaana markii ugu horreysay lasoo ogaaday sanadkii 1901.
In kasta oo saynisyahannadu ay sheegaan in xayawaankani uu aad ugu dhowyahay Geriga, waxay hadana u muuqataa inuu natiijo ka noqday sheeko jaceyl oo dhex-martay Geriga iyo Farowga.
Xayawaankan la yiraahdo Okapi waxaa kaliya laga heli karaa keymaha Ituri ee dhaca waqooyi bari dalka Congo ee qaaradda Afrika.
giraffe_zebra1 giraffe_zebra2
Isha: radiohimilo.so
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!